Marxuumad Saado Cali oo maanta Muqdisho lagu Aasay, iyadoo Madaxda Sare Qaranka ku dukteen Salaada Janaasada.

Aaska_Saado_Cali« INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN » Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho Aas Qaran loogu sameeyay Marxuumad Saado Cali Warsame oo kooxo hubeysan ay shalay ku dileen degmada Hodan ee gobolka Banaadir. DAAWO SAWIRADA KALE

Aaska_Saado_Cali.jpg2Waxaa Salaada janaasada lagula tukaday madaxtooyada Soomaaliya, waxaana goobjoog ka ahaa; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ku Xigeenkiisa, Ra’isulwasaaraha Xukuumadda, Wasiirro, Xildhibaanno, Siyaasiyiin hore oo uu ka mid ahaa Ra’isulwasaarihii Xukuumaddi KMG aheyd Prof Cali Maxamed Geedi, Culumaa’udiin iyo Waxgarad ayaa maanta salaada janaasadaha ah ku tukaday meydka marxuumad Saado Cali Warsame oo ka mid aheyd Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Meydka Marxuum C/laahi Xuseen Yabarow oo isna ka tirsanaa howl-wadeennada Baarlamaanka Soomaaliya.

Aaska_Saado_Cali.jpg3Salaada janaasada kadib ayaa waxaa aas qaran loogu sameeyey meydka Xildhibaan Saado Cali Warsame iyo Howl-wadeen C/laahi Xuseen Yabaroow qabuuraha isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayadoo goobtaasina ka sokoow madaxda sare ee Dalka ay soo buux dhaafeen Boqolaal dadweyne ah oo u badnaa bahdii Fanka ee ay horey uga mid aheyd Allaha u naxariistee Saado Cali Warsame.

Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise Sangub oo ka mid ah abwaaniinta Soomaaliyeed ee ay sida aadka ah dhanka fanka isugu dhowaayeen Allaha u naxariistee Marxuum Saado Cali Warsame ayaa si kooban waxa uu saxaafadda ugu faah faahiyey saameynta iyo muga shaqsiyadeed ee ay Bulshada Soomaaliyeed guud ahaan ku dhex laheyd Marxuumadda.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Somalia, Jeylaani Nuur Iikar oo saxaafadda la hadlay aaska kaddib ayaa sheegay in kooxaha dilka u geystay marxuumad Saado iyo kuwii ka horreeyay inuusan hakin doonin howlaha baarlamaanku uu u hayo Qaranka, isgaoo ugu baaqay laamaha kala duwan ee amniga inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii ka dambeeyay dilka xildhibaanad, Saado Cali Warsame cadaaladdana la hor-keenno.

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo isaguna ka hadlay goobta lagu aasay Marxuumadda ayaa xusay in Saado Cali Warsame ay aheyd Wadaniyad jecel dadkeeda iyo dalkeeda islamarkaana ay umadda Soomaaliyeed aad u tabi doonaan waxaana uu madasha ka ballan qaaday in aanay Dowladdu ka hari doonin dhagar-qabeyaashii dilay Marxuumadda ilaa cadaalladda laga horkeenno.

Aaska_Saado_Cali.jpg1Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo isaguna kula hadlay saxaafadda madasha aaska qaran loogu sameeyey marxuumad Saado Cali Warsame ayaa xusay in Saado aysan aheyn Xildhibaannadii ugu horeysay ee geeriyoota ama gacan ka gar daran ay disho ayadoo u adeegeysa umaddeeda waxaase uu tilmaamay in Xildhibaannada Golaha Shacabka ay sii wadi doonaan howlaha ay u dhaarteen.

Allaha u naxariistee Marxuumad Saado Cali Warsame waxa ay ku dhalatay degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer sanadka markuu ahaa 1950, Waxbarashada dugsiga Hoose dhexe waxa ay ku qaadaty isla degmadaasi Buuhoodle sanadkii 1977kii,halka Waxbarashada dugsiga sarena ay ku dhameysatay dugsiga sare ee Banaadir oo ku yaala degmada Hodan sanadka markuu ahaa 1981kii,waxa ay dooratay iney Xildhibaan noqoto 08-August-2012,waxaana si rasmi ah loogu ogolaaday ka mid noqoshada Baarlamaanka 17-August-2012ka

SomaliSwiss       Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: