Laanta socdaalka oo soo bandhigtay habka loo qaadanayo Baasaborka Soomaaliya.

Baasaboorka D. Somalia.jpg2Taliyaha Hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Generaal C/laahi Gaafow Maxamuud oo maanta warbaahinta Qaranka kula hadlay xarunta cusub ee laanta socdaalka iyo jisiyadaha ayaa waxaa uu ugu horeyn faah-faahin ka bixiyay isbedel lagu sameeyay sameynta baasaboorka Soomaaliga ah iyo qalab cusub oo lagu soo kordhiyay laanta kaasoo fudueyn doona deega shacabka. (SAWIRO)

Baasaboorka D. Somalia.jpg3Mudane Gaafoow waxaa uu sheegay in meelaha hada la gaarsiiyay bixinta Baasaboorka Soomaaliga ah ay qeyb ka tahay magaaladda Garoowe halkaasi oo uu sheegay in dad kun qof kor u dhaafaya ay Baasaboorka qaateen,waxaana dhinaca kale uu tilmaamay in qalab casri ah oo amaanka lagu xaqiijiyo xarunta weyn ee ku taala magaalada Muqdisho lagu soo kordhiyay.

Sidoo kale Taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa tilmaamay inay ku guuleysteen in dalka Malesiya laga hirgeliyo meel dadka Soomaalida ah ee halkaasi ku sugan ay ka heli karaan baasaboorka Soomaaliga ah sidoo kalana gobolada Jubooyinka dadka degan ayuu sheegay in xarun cusub looga furay magaalada Kismaayo maadaama ay ku dheertahay inay soo aadaan magaalada Muqdisho.

Baasaboorka D. Somalia.jpg1Dhinaca kale General c/laahi Gaafow Maxamuud ayaa maanta kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee xarunta dhawaan la furay sida meesha laga buuxiyo foomamka qofka Baasaboorka qaadanaya uu buuxinayo marka hore inta uusan qaadan oo ay buuxeen dad xiligaas doonayay in Baasabooro ay sameystaan iyo meessha laga bixiyo oo intuba ah goobo si toos ah u shaqeynaya iyo sidoo kale xarunta daabacaada oo ay yaaleen Baasabooro badan oo loo waday dalka dibediisa si dadka Soomaaliyeed ee kunool loogu fududeeyo.

Baasaboorka D. Somalia.jpg4Ha yeeshee laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee Soomaaliya ayaa dhawaan waxa ay kasoo guurta xarunteedii hore oo ku taalay agagaarka Airporka caalamiga ah ee magaaladda Muqdisho iyadoo hadda xarun cusub ka sameysatay dhismaha guriga shaqaalaha ee wadada Maka Al-Mukarama halkaasoo ay howl balaaran ka socoto.

Baasaboorka D. SomaliaSomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: