Howlgallo lagu soo qab-qabtay boqollaal qof oo maanta ka socda qaybo ka tirsan Gobolka Banaadir.

baaritaanHowlgallo qof lagu soo qabqabtay boqollaal qof oo dhallinyaro u badan ayay ciidamada dowladda iyo kwua AMISOM waxay aroornimadii hore ee maantay ka billabeen xaafado ka tirsan degmada Hodan.

Qaar ka mid ah Saraakiisha hoggaaminaya howlgallada ayaa qaybaha warbaahinta u sheegay in dadka lasoo qabqabtay lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, balse lagu sameyn doono baaritaanno lagu kala saarayo marka uu soo dhammaado howlgalka.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Hodan, Cali Cabdi C/lle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladan ay yihiin kuwo ammaanka lagu xaqiijinayo, laguna baadi-goobayo, xoogagga ka tirsan Al-shabaab ee ku sugan Muqdisho.

Guddoomiyuhu wuxuu intaa raaciyey: “Waxaa howlgallada socda lagu qabtay saddex ka mid ah lix qof oo habeen hore ku dilay inta u dhexeysa Tarabuunka iyo Warshadda Caanaha sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka, kuwaasoo ka tirsan Al-shabaab, intii kalena iyaga ayaa lagu baadi-goobi doonaa, markii lasoo qabto ayaana loo soo bandhigi doonaa warbaahinta”.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in howlgalladan ay socon doonaan inta laga xaqiijinayo ammaanka guud ee degmada Hodan, wuxuuna ku daray hadalkiisa in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay ka hortagga kuwa doonaya inay dhibaatooyinka geystaan.
Sidoo kale, Dad goobjoogayaal ah ayaa iyaguna warbaahinta u sheegay in ciidamadu ay gudaha u galayaan guryaha ayna baaritaan ku sameynayaan guriga oo dhan iyo dadka jooga, ciddii ay ka shakiyaanna ay kexeysanayaan.

SomaliSwiss         Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: