Shirkii Caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada oo lagu magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirada.jpg3Golaha Wasiiradda Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa looga hadlay xaaladda ammaan ee dalka iyo xil ka qaadis lagu sameeyey Xeer Ilaaliyihii Guud ee Qaranka.
Continue reading

Marxuumad Saado Cali oo maanta Muqdisho lagu Aasay, iyadoo Madaxda Sare Qaranka ku dukteen Salaada Janaasada.

Aaska_Saado_Cali« INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN » Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho Aas Qaran loogu sameeyay Marxuumad Saado Cali Warsame oo kooxo hubeysan ay shalay ku dileen degmada Hodan ee gobolka Banaadir. DAAWO SAWIRADA KALE

Continue reading

Laanta socdaalka oo soo bandhigtay habka loo qaadanayo Baasaborka Soomaaliya.

Baasaboorka D. Somalia.jpg2Taliyaha Hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Generaal C/laahi Gaafow Maxamuud oo maanta warbaahinta Qaranka kula hadlay xarunta cusub ee laanta socdaalka iyo jisiyadaha ayaa waxaa uu ugu horeyn faah-faahin ka bixiyay isbedel lagu sameeyay sameynta baasaboorka Soomaaliga ah iyo qalab cusub oo lagu soo kordhiyay laanta kaasoo fudueyn doona deega shacabka. (SAWIRO)
Continue reading

Howlgallo lagu soo qab-qabtay boqollaal qof oo maanta ka socda qaybo ka tirsan Gobolka Banaadir.

baaritaanHowlgallo qof lagu soo qabqabtay boqollaal qof oo dhallinyaro u badan ayay ciidamada dowladda iyo kwua AMISOM waxay aroornimadii hore ee maantay ka billabeen xaafado ka tirsan degmada Hodan.
Continue reading

Maxkamadda Ciidamada oo maanta barqadii xukun dil ah ku fulisay afar qof oo horay dil ugu Xukuntay.

???????????????????????????????Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta barqadii xukun dil ah ku fulisay afar ruux oo ay horay xukunno dil ah ugu ridday, kuwaasoo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab.
Continue reading

%d bloggers like this: