Xildhibaanad Saado Cali Warsame iyo qof la socday oo maanta duhurkii lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Saado caliAllaha u naxariisteen xildhibaanad, Saado Cali Warsame oo ka mid ahayd Xildhibaanad katirsan Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow waxaa lagu toogtay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaannadan ayaa waxaa la sheegay inay toogteen dambley gaari watay, kuwaasoo isku hor-gooyay gaari ay wadatay dabadeedna toogtay iyada iyo ruux la socday, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo xildhibaanad haweeney ah oo baarlamaanka ka tirsan lagu dilo Muqdisho.

Haweeney ganacsi ku haysata agagaarka Tree Piano ayaa waxay tiri: “Kooxo hubeysan oo gaari watay ayaa isku hor-gooyay gaari ay la socoday xildhibaannada, waxaa lagu furay rasaas, isla goobta waxaa ku dhintay xildhibaannada iyo qof la socday”.

Si caadi ah ayaa Dableyda dilka geystay isla-markiiba goobta ka baxsaday sida ay sheegeen dadkii dhacdadaas ka ag-dhowaa, waxaana isla goobtaas uu dilku ka dhacay ku sugan ciidammo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Marxuumadda ayaa waxay ahayd marka laga soo tago xildhibaannimada mid ka mid ah fannaaniinta Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaan gudaha dalka iyo dibadda, waxaana tn iyo sannadkii 2012 ka mid ahay baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ku baaqi jirtay in lagu dadaalo sidii dalka dhibaatada looga saari lahaa.

Balse ilaa hadda ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilka Saado Cali Warsme, waxaana horay dilalka loo geysto xildhibaannada u sheegan jirtay Al-shabaab. iyadoo xildhibaannadu ay afar ku noqonayso xildhibaannadii sannadkan lagu dilay Muqdisho. sidoo kalena laba ku noqonaysa xildhibaannadii la dilay inta lagu jiray bishan Ramadaan.

SomaliSwiss         Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: