Qaramada Midoobay oo cambaareysay dilka Xildhibaan Saado Cali

Nicholas KayWakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa cambaareeyay falkii maanta lagu dilay Saado Cali Warsame oo ay kooxo hubeysan oo ay rasaas ku fureen, iyada iyo wadihii gaariga ee la socday.

“Waan cambaareyneynaa falka lagu dilay Saado Cali iyo waana in la ilaaliyaa doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku dhex leeyihiin bulshada” ayuu yiri Nicholas Kay.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in uu Madaxda ka codsanayo sidii cadaaladda loo horkeeni lahaa dambiilayaashii ka dambeeyay falkaasi dilka ah, waxaana uu xusay inay sii wadayaan taageerada ay u hayaan dadka iyo dowladda Soomaaliya.

Mr Kay ayaa guud ahaan shacabka iyo Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay falka lagu dilay Xildhibaan Saado Cali Warsame, kana mid ahayd sidoo kale fanaaniinta Qaranka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: