Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay dilkii loo geystay Xildhibaan Saado Cali.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.jpg2Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeeyey qoyska, ehelada, qarabada, xildhibaanada baarlmaanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed Marxuumad Xildhibaan Saado Cali Warsame oo maanta Muqdisho lagu dilay.

Madaxweynaha ayaa yiri “Innaa Lillaahi wa innaa Illaahi raajicuun, geeridu waa xaq, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu samir iyo iimaan naga siiyo marxuumad Saado Cali, iyadana jannadiisa Fardowsa uu ka waraabiyo.

Dhammaan eheladda, asxaabta iyo xildhibaannadaba waxaan leeyahay samir iyo iimaan Eebbe ha naga wada siiyo, annaguna aan u soo wada duceyno in Illaahey uu Saado Cali Warsame jannada Fardowsa uu ka waraabiyo.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in kooxaha nabad-diidka ah aysan naga leexin karin dadaalka aan dalka ugu soo celineyno nabadda iyo horumarka. Madaxweynuhu wuxuu shacabka ugu baaqay inay hay’adaha amniga kala shaqeeyaan sidii loo soo qaban lahaa dadkii ka danbeeyey falkan foosha xun, si sharciga loo marsiiyo.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: