Dhagar-qabayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu laayey duleedka magaalada Buulo-Barde.

Maydad Al-shabaabWar naga soo gaaray magaalada Buulo-barde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Afar ka tirsaneyd maleeshiyada Al-Shabaab lagu dilay iska horimaad xalay fiidkii ka dhacay deegaanka loo yaqaano Sagaal-geed oo 9 Km u jira degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Afarta malleeshiyaadka oo dhagar-qabayaasha ahaa ayaa la sheegay in lagu dilay iska hor’imaad u dhaxeeyay maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamo deegaanka ah oo is abaabulay kadib markii ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka ay maleeshiyaadkaasi ku hayaan bulshada ku nool deegaankaasi..

Cabdullaahi Barre oo ah Taliyaha ciidanka dowladda Soomaaliya ee degmada Buulo-burte, ayaa ayaa sheegay in Saddex ka tirsan meleeshiyadka weerarka soo qaaday ee Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan, hal qof oo ka tirsan dadka deegaankana uu ku dhaawacmay weerarka.

Iska horimaadka ayaa la sheegay in uu ka dhashay ka gadaal markii dadka deegaanka ay iska diideen lacago baad ah oo ay kooxda Shabaab ku sheegtay Seko.

Sida lagu soo warramay Malleeshiyaadkii Xarakada Al-Shabaab ee soo weerar tegay ayaa halkaasi isaga huleelay, waxaana halkaasi ku sugan dadka deegaanka oo gacan ka helaya ciidamada dowlada oo halkaasi gaaray.

SomaliSwiss     Buulo-barde

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: