Horjoogayaal Ka tirsan Al-Shabaab oo isku Dhiibay Ciidamada Dowladda ee ku sugan G/Bakool

Al-Shabaab army.jpg2Horjoogiyaal ka tirsan maleeshiyaadka Xarakada al-shabaab oo la sheegay ina tiradooda dhan tahay 4 horjooge ayaa isku soo dhiibay Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ee ku sugan deegaanka rabdhuure ee gobolka Bakool, iyadoo horjoogayaashani qaarkood xilal ay ka soo qabteen maleeshiyaadkaasi.

Sida la sheegay Horjoogayaashani ayaa laba ka mid ah waxay xilal kale duwan ay ka soo qabteen intii ay ka mid ahaayeen Kooxda caadeysatay leynta iyo dabar goynta Umadda Soomaalieed, waxaana Aadan Maxamed Aadan Dheere uu ka mid ahaa mas’uuliyiinta gobolka bay kuwooda ugu sareysa marka laga hadlayo kooxdaasi, Sheekh Maxamed Kheyr Salaad isna waxa uu u qaabilsanaa maleeshiyaadkaasi dhanka maaliyada ee Degmada Buur Hakaba.

Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool Xuseen C/raxmaan Maxamed oo la hadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in horjoogyaasha ka soo goostay Al Shabaab ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen, waxaana uu sheegay ragaasi in ay ahaayeen kuwa ka mid ah maamulka Al Shabaab ee gobolada Bakool iyo Bay.

Dhanka kale kooxda dhagar-qabayaasha ah ee Al- Shabaab ayaa waxaa haatan sii kordhaya inay isku soo dhiibaan Hey’adaha Ammaanka ee Dowladda, taa oo ka dhigan in dhinac kasta kooxda ay ku fashilantay.

SomaliSwiss        Hudur
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: