Hay’adda duulimaadyada madaniga ah ee Maraykanka oo walaac ka muujisay ammaanka garoomada diyaaradaha ee dalka Kenya

civil avienHay’adda duulimaadyada madaniga ah ee Maraykanka (FAA) ayaa dalka Kenya ku dartay liiska dalalka halista ah ee shirkadaha duulimaadka Maraykanku aanay ka shaqeyn karin.

-jomo-kenyatta-international-airport

Sidoo kale Dalka Itoobiya ayaa qayb ka ah dalalka laga cabsi in weerar qarxin ah lagu qaado, ha yeeshee Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada safka hore kaga jiro weeraradaas, aysan suuragalka ahayn in diyaaradaha madaniga ah ee Maraykanku ay caga dhigtaan.

Dhanka kale Dowladda Kenya ayaa isku dayday inay ku qanciso Maraykanka in aysan jirin wax khatar ah oo soo wajihi karta diyaaradaha kusoo degaya gegida diyaaradaha ee Jomo Kenyatta iyo garoomada kale.

Si kastaba ha ahaatee waxaa toddobaadkii lasoo dhaafayayaa waxaa lagu rakibay garoomada dalka Kenya qalab casri ah oo u badan nooca wax lagu baaro si loo xaqiijiyo ammaanka, loogana hortago khatar kasta oo ay suurogal tahay inay timaado.

Garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta oo ah kan ugu weyn dalka Kenya, waxaa todobaad kasta ka bixi jirey tobannaan duulimaad oo si toos ah ugu jeeda dalka Maraykanka.

Sida la wada ogsoon yahay Ammaanka dalka Kenya ayaa soo xumaanayey laga soo bilaabo bishii October sannadkii 2011, markaas oo cutubyo ka tirsan militeriga Kenya ay usoo tallaabeen dhinaca Soomaaliya, si ay ula dagaallamaan Al-shabaab, oo Kenya ay sheegtay inay khatar ku yihiin dhaqaalaheeda iyo weliba ammaanka muwaadiniinteeda.

Balse waxaa xusuus mudan Weerarkii ugu weynaa uguna khasaaraha badnaa ee tan iyo sanadkii 2011 Kenya ka dhacaa wuxuu ahaa kii lagu qaaday xaruntii laga dukaameysan jirey ee Westgate Mall bishii September ee sanadkii hore 2013. Weerarkaas oo 67 qof ay ku dhinteen tiro kale oo intaas ka badanina ay ku dhaawacmeen, waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay Ururka Al-shabaab.

SomaliSwiss        New York
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: