Wasiirka kalluumeysiga oo been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in qayb ka tirsan badda Soomaaliya la iibsaday.

W, KaluumeysigaWasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar la isla dhexmarayay oo ku aadanaa heshiis dhinaca soohdinta badda Soomaaliya oo lasheegay in dowladdu ay la saxiixatay.

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay shakhsiyaadka Wararkaasi faafinaya in ay yihiin kuwo ka soo horjeeda in Soomaalida ay ka faa’ideestaan Kheyraadka Badda.

Wasiirka Wasaradda kalluumaysiga iyo Kheyraadka badda ee Xukuumadda Feredaralka Soomaaliya Mudane Maxamuud Caloow Barroow oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa xusay in aytahay mid been abuur ah wararka tilmaamaya in dowladdu ay heshiis la gashay dowladda Kenya ee dhanka badda ku saabsan.

“Wasaaraddu waxa ay shacabka u caddeyneysaa inaysan waxba ka jirin, arrinta heshiiska badda, mana jirto heshiis aan la galnay dowlada Kenya ama aan la galeyno oo ku saabsan xadka badeena, wararka ay baahiyeen warbaahintuna waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, ma nihin dowlad cusub sida dalalka ka go’ay Ruushka, waxaan xoriyadda qaadanay 1960-kii Xaduudda badda Soomaaliyana xilligaasi kahor ayaana la sameeyay xaduudaha badda, halka Kenya ay xornimada qaadatay 1963-dii” ayuu yiri Wasiirka Kalluumeysiga.

Wasiirka ayaa tilmaamay in warqadda uu Madaxweynaha Soomaaliya u diray Qaramada Midoobay loo turjuntay si khaldan, isagoo tilmaamay in dadka buun buuninaya wararka been abuurka ay yihiin shaqsiyaad ka soo horjeeda in laga faa’iideysto kheyraadka dalka.

SomaliSwiss       Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: