Koox Hubeysan oo aan heybtooda la garanaynin oo Xalay Afar Qofood Ku dilay Magaalada Mombasa ee Kenya.

al-shabaab.jpg3War laga soo xigtay qaar ka mid ah dadka deggan Magaalada Mombasa Wadanka Kenya ayaa sheegaya in Afar qof ay ku dhimateen tiro kalena wey ku dhaawacmeen weerar hubeysan oo xalay ka dhacay.

Weerarka ayaa la sheegay iney geysteen rag watay Mootooyin oo wajiga soo duubtay, iyagoo si aan kala sooc lahayn rasaas ugu furay dadka geeriyooday oo la sheegay inay rayid ahaayeen.

Sidoo kale Raggi falka geystay ayaa ku baxsaday Mootooyinkii ay wateen, ciidamada amaanka Kenya ayaan ku guuleysan iney soo qabtaan raggii falka geystay.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Magaalada Mombasa Robert Kitur, ayaa xaqiijiyay dhimashada Afarta ruux, halka tiro kalana sida uu sheegay ay ku dhaawacantay weerarkaasi.

Mr. Peter Musyoki oo ka mid ah dadka degan Xaafada Likoni, ayaa sheegaaya inuu arkaayay laba nin oo wejiyada soo duubtay oo si miyir la’aan ah rasaas u furayay.

Dhanka kale Weerarkan ayaa ku soo aadayaa, xilli habeen ka hor Bandow xilliyada habeenkii ah lagu soo rogay Magaalada Lamu, si wax looga qabto weerarada isa soo taraya ee ka dhacaaya halkaasi.

Muslimiinta Lamu, ayaa si xoogan kaga soo horjeestay bandowgaasi, iyagoo ku andacooday in uu ka horjoogsanayo cibaadada bishan Ramadaan.

Mudane Mohamed Hashim oo ka mid ah dadka ku nool magaalada Lamu, ayaa sheegay in bandowgu uu dadka Muslimiinta ah ka horjoogsanayo, inay Masaajidda ku soo tukadaan Salaadaha Cishaha, Taraawiixda, Tahajudka iyo Salaadda subax.

SomaliSwiss      Mombasa
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: