Ciidamada Amaanka Soomaaliya oo maanta howlgal balaaran ka sameeyey qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Howlgal-Booliis.jpg1Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa waxay maanta howlgal balaaran ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana howlgalkaasi ka qeyb qaadanayay ciidamada AMISOM.

Degmooyinka Howlgal ayaa waxaa ka mid ahaa degmada Hodan iyo Howlwadaag, Ciidamada ayaa xiray wadada Dabka, tan Taleex, wadooyinka soo gala suuqa Bakaaraha ilaa wadada Sodonka, waxeyna ciidamadu guri guri u baarayaan xaafadahaasi.

Howlgalka oo bilowday waaberigii saaka ayaa la rumeysanyahay in lagu bartilmaameedsanayo meelo lagu tuhunsanyahay iney ku dhuumaaleysanayaan kooxaha nabad diidka ah ee ka tirsan Shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha laamaha amaanka ee dowladda ayaan weli ka hadlin howlgalkan oo ilaa hadda socda, kaas oo u muuqda inuu yahay howlgal baaxad weyn oo looga hortagayo kooxaha argagixisada ah ee falalka amnidarrada ah ka geysta xaafadaha Muqdisho.

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: