Guddoomiyeyaasha maamulka 17-ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa waxaa xalay magaalada Muqdisho loogu soo xiray tababar u socday muddo toddobaad ka badan, kaasoo ay ka qaybagleen mas’uuliyiin dowladda ka tirsan.
Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muun-gaab oo ka hadal xiritaanka tababarkaas wuxuu sheegay in tababarkan uu qayb weyn ka qaadan doono isbedel dhinaca ammaanka ah oo ka dhaca Muqdisho.
Mudane Muungaab ayaa intaa ku daray in maamulkiisa uu wado qorshihii 2016-ka lagu gaari lahaa maamul cusub oo ku yimaada hab doorasho ah kaasoo bedeli doona maamulkiisa.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka hadlayey ammaanka wuxuu yiri: “Waxaan doonayno waa inaan furno jidkii loo mari lahaa in maamulkan uu bedelo maamul ay shacabka Muqdisho soo doortaan marka la gaaro 2016-ka, waxaana ku faraxsanahay in caawa tababar faa’iido badan loosoo xiray guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir”.
Dhanka kale, Duqa Muqdisho waxaa munaasabadda ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ee xukuuumadda Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre oo sheegay in guddoomiyeyaasha tababarka loosoo xiray ay horyaallaan howlo badan oo adag, uuna rajeynayo in tababarkan uu wax badan oo howlahooda ah ka caawin doono.
Ha yeeshee, Tababarka loo soo xiray guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu baray maamul wanaagga iyo sida guddoomiye walba uu u adkeyn lahaa ammaanka degmada uu madaxda ka yahay.
Si kastaba ha ahaatee, tababarkan ay dhameysteen guddoomiyeyaasha ayaa kusoo beegmaya xilli ay Muqdisho ka dhacayaan falal ammaan-darro oo ay mas’uuliyadooda sheeganayso Xarakada Al-shabaab, lamana oga sida ay wax uga qaban karaan arrintaas.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
//
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.