Dagaallo khasaare badan geystay oo Xalay ka dhacay Degmada Bardaale ee Gobolka Bay.

dagaalWar naga soo gaaray G/Bay ayaa sheegaya in Degmada Bardaale ee Gobolka Bay uu Shalay ilaa Xalay ka dhacay dagaallo khasaare badan geystay, dagaalkan ayaa la sheegay in ugu yaraan 15-qof ay ku dhintay, 21-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii dagaal culus oo duleedka degmada Bardaale ku dhex-maray dad shacab ah oo gacan ka helaya ciidamada dowladda iyo xoogagga Al-shabaab.

Guddomiyaha degmada Bardaale oo la hadlay VOA-da uu sheegay in dagaalka uu ka dhashay markii dadka deegaanka ay u adkeysan waayeen cadaadiska iyo dhac ay Al-shabaab ku hayeen.

Guddoomiyaha degmada Bardaale, Maxamed Isaaq Xasan (Cara-case“Wuxuu dagaalkani ka dhacay deegaanka Toos-weyne oo 25-km Bardaale u jirta, waxaana dagaalkan gacan ka geystay ciidamada dowladda Soomaaliya, dagaalkuna wuxuu socday muddo saacado ah,” ayuu yiri).

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay kasoo duuleen deegaanno ay ka mid yihiin; Raama-caddeey iyo Xabaal-barbaar oo ay saldhigyo ku leeyihiin, markaas kaddibna ay ciidmada dowladdu gurmad ahaan u gaareen deegaanka uu dagaalku ka dhacay iyagoo shacabka gacan siinayay, waana la adkaaday buu yiri Al-shabaab.

“Dhibaatooyinka ay Al-shabaab ku hayaan shacabka waxaa ka mid ah inay baad ka qaadan. Balse dhawaan ayay billaabeen inay canshuuraan dadka iyo xoolaha ay dhaqanayaan, taasoo keentay in shacabku ay kacaan,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Mudane Maxamed Isaaq Xasan Cara-case wuxuu hadalkiisa raaciyay in qoyska 10 qof ka kooban laga qaado 400,000 oo kun oo shilnka Soomaali ah, beertana laga qaadayo afar milyan oo shillin, waxaana taas ay dhawaan ku dareen inay ceelasha canshuuraan.

Guddoomiyuhu oo sharraxayay dhibaatadii dagaalka uu dhaliyay ayuu wuxuu yiri: “Annaga afar askari ayaa naga shahiiday, afar kalena way naga dhawacmeen, balse Al-shabaab dad badan ayaan ka dilnay, waxaana innagu aragnay siddeed maydadkooda ah, 18-qof oo kalena way geeyeen goobihii ay kasoo duuleen”.

Dhanka kale mar la weydiiyay su’aal ahayd in dagaalkan uu qayb ka yahay kuwo ay iyagu abaabuleen iyo inuu yahay mid ay shacabku go’aan ku gaareen, ayuu xusay gudoomiyaha oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed uu ugu baaqayo inay la dagaalamaan Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee ilaa haatan ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku saabsan dagaalkan shalay gellinkii dambe illaa xalay ka socday deegaanka Toos-weyne oo ka tirsan degmada Bardaale ee gobolka Bay.

SomaliSwiss        Baydhabo
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: