Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo khuseeya dhinaca Waxbarashada.

Soomaaliya & Itoobiya.jpg2Caasimadda dalka Ethiopia ee Adis Ababa ayaa waxaa maanta ka dhacay kulan dhex maray mas’uuliyiinta wasaaradaha waxbarashada ee wadamada Soomaaliya iyo Ethiopia kaasoo looga hadlayaay sida ay dowladda Ethiopia dhanka waxbarashada uga caawin laheyd dadka Soomaaliyeed si ay labada wadan u yeeshaan iskaashi dhinaca waxbarashada ku qotoma.

Heshiiskaan oo ka koobnaa dhowr qodob oo aad muhiim u ah ayaa la filayaa in dhawaan la dhaqan galiyo iyadoona si dhaw la iskaga kaashanayo dhinacya Shahaadada iyo sidii ardayda Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa Waxbarashada ay u aadayaan dalkaas.

Soomaaliya waxaa Heshiiska u saxiixay H.E. Ciisa Maxamed Axmed (Guraase) Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta halka uu dowladda Ethiopia u saxiixay H.E. Demeke Mekonnen Wasiirka Waxbarashada ee Ethiopia, waxaana dhawaan la faliyaa in uu bilowdo dhaqan galinta heshiiskan iyagoona ay ka shaqeyn doonaan guddiyo farsamo.

Sida la wada ogsoon yahay dalka Ethiopia wuxuu ka mid yahay dowladdaha ay inta badan ardayda Soomaaliyeed u aadaan waxbarashada, waxa ayna tani daba soctaa heshiisyo ay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya la gashay Dalal badan kuwaas oo ay ka mid yihiin Kenya, Sudan, Yemen, Turkey, China iyo kuwa kale.

Ugu dambeyntii kulankan ayaa waxaa gebagabdiisa lagu kala saxiixday heshiis iskaashi ee la xiriira dhinaca Waxbarashada ee labada dowladood Soomaaliya iyo Ethiopia waxaana u kala saxiixay Wasiirada Waxbarashada labada dal.

SomaliSwiss       Addis Ababa
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: