Dagaal culus oo maanta barqadnimadii ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo

Ciidamada Amisom.jpg4War naga soo gaaray Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in dagaal culus uu maanta barqadnimadii ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka KMG ah ee Jubba iyo kuwa Al-Shabaab, kadib markii ciidamada Jubba ay gaareen saakay deegaan duleedka Kismaayo ku yaalo oo Shabaab ay dadka deegaankaasi ka qabsadeen.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dagaalka uu ka dhacay Deegaanka Cabdile Biroole oo Magaalada Kismaayo dhanka bari kaga beegan 45-KM, halkaasi oo ciidamada Jubba ay saakay ku weerareen Al-Shabaab oo maamulaysay deegaankaas, wax-yar kadib markii ay kala wareegeen dadka deegaanka oo dagaal culus uu dhexmaray.

Sidoo kale Wararku waxay kaloo sheegayaan in shalay iyo Doraad ay halkaasi ka dhaceen dagaal u dhaxeeya dadka deegaanka iyo ciidamada Al-Shabaab oo iyagu dadka deegaanka weydiisteen inay bixiyaan dhaqaalo, taasina ay ka biyo diideen dadka deegaanka.

Dhanka kale dagaalkaasi ayaa ahaa mid culus oo labada dhinac isku adeegsadeen hub culus, lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay, dagaalkaasi, laakiin dadka deegaanka ayaa sheegaya in khasaaro uu ka dhashay dagaalkaasi.

Balse Maamulka ku meel gaarka ah ee Jubba weli faah-faahsan kama aysan bixinin Dagaalkaan ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo, balse Afhayeenka Maamulka Jubba C/naasir Seeraar ayaa saakay BBC-da u sheegay inay qaadayaan Dagaalo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

SomaliSwiss         Kismaayo
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: