Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uga Baaqay qabaa’ilka G/Hiiraan inay joojiyaan Dagaalka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda SoomaaliyaRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, isagoo ku hadlayay magaca Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayuu wuxuu maanta tiiraanyo ka muujiyay dagaalka labada beelood ku dhex maray deegaanka Deefow, oo ku yaala duleedka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqay kooxaha uu khilaafku ka dhexeeyo inay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka oo ay wadahadal ku xalliyaan khilaafkooda.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa maanta kulan degdeg ah la yeeshay Guddiyada Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda iyo Amniga Qaranka si ay uga wada hadlaan khilaafkan soo cusboonaaday.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiyaasha Golaha Wasiirrada ayaa dhaleeceeyay dagaalka dhex maray labada beelood goor lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan, waxayna ugu baaqeen labada dhinac inay ka fakaraan khasaaraha uu dagaalku u gaysanayo bulshooyinkooda.

Waxaa kulanka lagu soo gabagabeeyay in wafdi heer wasiirro ah loo diro deegaanka si ay u fuliyaan xabbad joojin, labada dhinac ee is haya uga dhex bilaabaan wada heshiisiin iyagoo eegaya arrimaha uu khilaafku salka ku hayo qiimeeynna ugu soo sameeyaan xaaladda banii’aadamnino ee ka jirta deegaanka.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo ka hadlaya khilaafkakhilaafka labadaas beelood wuxuu  yiri: “Waxaa runtii dhammaanteen aad noo damaqday inaan maqalno dagaalka dhiiggu ku daatay ee dhex maray beelaha walaalaha ah ee ku nool gobolka Hiiraan. Waxaan maanta la kulmay Guddiyada Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda iyo Amniga Qaranka waxaanan isku raacnay inaan wafdi heer wasiirro ah u dirno deegaanka si ay u fududeeyaan wada-hadalka iyo nabadeeynta”.

“Waxaan ugu baaqayaa walaalaheenna ku sugan Hiiraan inay dhab uga fekeraan dhibaatada ay leedahay in la door bido in dagaal lagu xalliyo khilaafka. Sida kaliya ee lagu xallin karo khilaafka ka jira deegaanka waa wada-xaajood, waxaanan xasuusineeynaa in dagaal naf lagu waayo uusan marnaba xal noqoneeyn”.

“Bishan barakeeysan ee Ramadaanka waa waqti loogu tala galay cibaado iyo tawbad, waxaana aan ka murugooday inaan maqlo dhimashada iyo burburka ka dhashay khilaafkan. Aan xasuusanno in dhammaanteen ay dantu noogu jirto inaan wada hadalno oo aan iska afgarano khilaafadkeenna. Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya wax dadaal ah kama hagranayso inay xal nabadeed u raadiso khilaafkan waxayna ugu baaqeeysaa labada dhinac inay si buuxda uga qeyb qaataan dadaallada nabadeeynta.”

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ugu baaqaya hay’adaha gargaarka aadanaha inay wixii kaalmo ah oo loo baahdo u fidiyaan dadka uu khilaafku saameeyay.

SomaliSwiss    Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: