Dowladda Kenya oo baaraysa Saraakiishii dambiyada ka geystay Howlgalkii Islii intii uu socday.

Macharia_NjeruXukuumadda dalka Kenya ayaa baariays saraakiil booliiska Kenya ka tirsan oo lagu eedeeyay inay ku kaceen falal ay ka mid yihiin; baad, jirdil iyo weerarro ula kac ah intii ay socdeen howlgalladii ay ka sameynayeen ciidamada Kenya xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo ah xaafad ay dadka Soomaalida ah deggen yihiin.

Mr. Macharia Njeru oo ah Guddoomiyaha loo xilsaaray in ciidamadaas baaritaan ku sameynaya, ayaa sheegay Isniintii shalay ahayd in baaritaankan lagu sameynayo 29 sarkaal, kuwaasoo ay dacwooyinkood soo gubdiyeen xeer ilaalinta Kenya ay xuseen inay dacwooyinka loo haysto yihiin kuwo xaqiiqo ah.

Sidoo kale, Mr Njeru ayaa sheegay in saraakiishan ay ka mid ahaayeen kuwii horkacayay howlgalkii loogu magac-daray Usalama Watch lagu tuhmayo in ay qaateen lacago baad ah oo u dhexeeya 1,000 illaa 20,000 oo Kenyan Shilling ah.

Saraakiishan ayaa lagu tuhmayaa inay dadkii ay qabqabteen u geysteen jir-dil xooggan, ayna ku xireen xabsiyada dalka Kenya iyagoo si adag u cadaadinaya.

Warbixin ay soo saareen guddiga baaritaankan u xil-saaran ayaa waxaa lagu yiri: “Saraakiishan waxay ahayd in xilli howlgallada ay ilaaliyaan in xad-gudubyo loo geysto dadka lasoo qabqabto iyagoo raacaya sida uu qabo dastuurka dalka Kenya”.

Dhanka kale, Mr Njeru oo ka hadlayay halka warbixinta laga sii daayay ayaa ugu baaqay guddiga inay si dhaqso ah ku baaritaan ugu sameeyaan musuqmaasuqyada lagu soo eedeeyay saraakiishan howlgalka hoggaaminayay.

Mr. Njeru wuxuu hadalkiisa ku daray ee uu yiri: “Baaritaankan waa in si dhaqso ah loo sameeyo, waana in dhismayaashii ay howlgallada ka sameeyeen dadka ku nool wax laga weydiiyo arrintan; taasoo qayb ka ah si loo ogaado cunsuriyadda ay saraakiishan ku kaceen, waana in lasoo bandhigaa natiijada muddo 90-maalmood gudahood ah”.

Howlgallada ayuu sheegay inay ahaayeen kuwo loogu talogalay in loo fuliyo si sharciga waafaqsan, iyadoo loo hoggaansamayo ixtiraamka sharciga iyo dhowrista xuquuqda aadanaha iyo weliba xuquuqaha aasaasiga ah ee uu dastuurku siinayo shacabka.

Si kastaba ha ahaatee, taliyaha booliiska Kenya ayaa sheegay in howlgalkooda ay ugu talo-galeen inuu ahaa mid ku dhaca si wanaagsan, saraakiishuna howlgalka hoggaaminayana ay noqdaan kuwo maamulkoodu hufan yahay, isagoo ku doodaya in howlgalka uu ahaa mid si wanaagsan ku dahacay intiisa badan.

Mr. Kimaiyo ayaa ugu dambeyntii sheegay in sarkaalkii uu kusoo baxo dambi la xiriira kuwa lagu soo eedeeyay uu mudan doono, ganaax dhan 50,000 oo lacagta Kenya ah ama saddex sano oo xabsi ah ama labadaba.

SomaliSwiss           Nairobi
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: