Wiilashii kadambeysay dilkii gabadhii ardayada aheyd ee Nafiso oo Maanta iyaguna dil lagu fuliyay.

Grabbed-Frame-22Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka toogatay labo gacan ku dhiigle oo ka dambeeyay dilkii loo geystay Nafisa Cismaan Salaad oo eheyd gabar ardayad ah. HOOS KA DAAWO SAWIRADA IYO VIDEO

Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka toogatay labo gacan ku dhiigle oo ka dambeeyay dilkii loo geystay Nafisa Cismaan Salaad oo eheyd gabar ardayad ah.

Labada gacan ku dhiigle ayaa lagu toogtay barxadda iskool boliisiya ee Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay hore maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida dil toogasho ugu xukuntay.

Goobta lagu toogtay labada gacan ku dhiigle ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yaroow oo ku dhawaaqay in la toogtay Xasan Maxamed Cabdi (Salmaan) iyo Shaafici Cabdi Xersi (Shaataa) oo ay ku cadaatay iney ka dambeeyeen dilkii Allaha u naxariistee Nafisa Cismaan.

Raggan oo Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ay horay u xukuntay, ayaa Racfaan ka qaatay xukunkaasi, waxaana markale xukuntay Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka sida oo ku raacday Xukunkii Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidanka, kaasi oo ahaa xukun dil toogasho ah.

%d bloggers like this: