Koobka Cagta Adduunka ee Sannadkan 2014 oo Xalay la soo gabagabeeyey, kuna guuleysatay dalka Jarmalka

C. Kubadda.jpg1Xulka kubadda cagta Jarmalka ayaa xalay ku guuleystay koobka kubadda cagta ee adduunka 2014-ka, kaddib markii uu 1-0 kaga badiyay xulka dalka Argentina oo ay ciyaar adag yeesheen. HOOS KA DAAWO SAWIRADA OO BADAN

FBL-WC-2014-MATCH64-GER-ARGCayaarta oo ahayd mid adag ayay labada xulba soo badhigeen ciyaaro wanaagsan, inkastoo xulka Jarmalka uu u muuqday mid ka awood badan xulkii kasoo horjeeday ee Argentina.

Xulka Germany ayaa markiisii afaraad taariikhda ku guuleeystay koobka aduunka,ka dib markii uu 1-0 uga badiyay xulka Argentina.

Inta aysan bilaaban ciyaarta ayaa waxaa koobka aduunka garoonka keenay ciyaaryahan Carlos Puyol oo u dhashay dalka Spain,maadaama dalka Spain uu sanadkii 2010-ka uu ku guuleystay koobka aduunka.

C. Kubadda.jpg7C. Kubadda.jpg8

Ciyaarta ayaa waxaa daawanayay ra’iisul wasaaraha dalka Germany Angela Merkal, Madaxweynaha dalka marti galinayay koobka aduunka Dilma Rousseff, madaxweynaha xiriirka Fifa Sepp Platter, iyo gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee yurub Micheal Plattini.

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa sidoo kale ciyaarta daawanayay,isagoo la kulmay madaxweynaha Fifa Sepp Blatter iyo madaxweynaha Brazil Dilma Rousseff.

C. Kubadda.jpg2

Madaxweynaha ruuska ayaa lagu wareejiyay shahaadada koobka aduunka ee sanadka 2018 oo saxiixan,maadaama koobka aduunka ee soo socdo uu dalkiisa marti galinayo.

Ciyaartan finalka oo ka dhacday garoonka Estadio do Maracana ayaa waxaa garsoorayay Nicola Rizzoli oo u dhashay dalka Italy,waxaana u soo daawasho tegay taageerayaal gaaraya ilaa 74,738

C. Kubadda.jpg4

Ciyaaryahan Gonzalo Higuain oo weerarka uga ciyaara xulka argentina ayaa qeybtii hore ee ciiyaarta ka faa’ideysan waayay fursad qaali ah oo uu helay,ka dib markii uu si lana filaan ah ku helay kubad uu qalday ciyaaryahn Toni Kroos

Ciyaaryahan Gonzalo Higuain ayaa isla qeybtii hore ee ciyaarta gool uu dhaliyay waxaa ka diiday calan wadaha ciyaarta oo tagay calanka ka dib markii Higuain uu ka gadaal maray daafacyada xulka Germany.

C. Kubadda.jpg6

Xulka Germany ayaa waxaa qeybtii hore ee ciyaarta ka dhaawacmay ciyaaryahan Christoph Kramer,waxaana lagu bedelay ciyaaryahan Andre Schurrle. Labada xul ayaana waxa gool ah iska dhalin qeybtii danbe ee ciyaarta,waxana ciyaarta ay ku dhamaatay gool la’aan, iyadoo lagu daray 30-daqiiqo oo dheeraad ah.

Waa markii sedaxaad oo isku xiga oo ciyaar Final ah oo ka tirsan koobka aduunka lagu daro waqti dheeri ah.

C. Kubadda.jpg5

Guud ahaan koobka aduunka waa markii sideedaad oo ciyaar Final ah lagu daro 30-daqiiqo oo dheeraad ah. Ciyaaryahan Mario Cozte oo bedel ku soo galay ciyaarta ayaa daqiiqadii 113-aad ee qeybtii danbe ee waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta goolka guusha u dhaliyay xulka Germany.

Goolka uu dhaliyay ciyaaryahan Mario Gotze ayaa noqday goolkii goal 17-aad ee koobka aduunka,waxana goolasha sanadkan laga dhaliyay koobkii aduunka ay la egyihiin goolashii la dhaliyay koobkii aduunka ee sanadkii 1998-dii lagu qabtay dalka France.

Ciyaaryahan Mario Gotze ayaa ku soo biiray liiska ciyaaryahanada kala ah Andres Iniesta, Ronaldo, Zinedine Zidane, Andreas Brehme iyo Jose Burruchaga oo dhaliyay goolal lagu qaaday koobka aduunka.

C. Kubadda.jpg9

Xulka Germany ayaa koobka aduunka ku guuleeystay sanadihii 1954,1974,1990,waana markii ugu horeeysay oo dalka Jarmalka uu ku guuleysto koobka aduunka ilaa markii uu midoobay. Waa Markii ugu horeeysay oo dal ka socda qaarada yurub uu koobka aduunka ku qaado qaarada koonfurta ameerika.

Dalka Germany ayaa noqday dalkii ugu horeyay ee laba qaaradood ku soo qaado koobka aduunka.

Ciyaaryahan lionel Mesii ayaa loo magacaabay ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa koobka aduunka koobka aduunka,waxaana la gudoonsiiyay kubadda dahabiga ah ee Golden Ball.

Gool hayaha xulka Germany Manuel Neuer ayaa loo magacaabay gool hayihii ugu wanaagsanaa koobka aduunka,waxaana la gudoonsiiyay abaal marinta Golden Glove.

Ciyaaryahan Philipp Lahm oo ah kabtanka xulka Germany ayaa kor u taagay koobka aduunka sida horey sedaxdii koob ee hore oo uu xulka Germnay ugu qaadeen ciyaaryahanada kala ah Lothar Matthaus, Franz Beckenbauer iyo Fritz Walter.

Waa markii sedaxaad oo isku xiga oo dal ka socda qaarada yurub uu ku guuleeysto koobka aduunka,sanadkii 2006 waxaa ku guuleeystay dalka Italy,halka sanadkii 2010 uu ku guuleeystay dalka Spain.

SomaliSwiss          Barlin
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: