Danjiraha Soomaaliya ee dalka Imaaraadka Carabta oo sheegay in Soomaaliya ay heysato Dhul Biyo Leh, loona la‘yahay Agabkii loogu qodi lahaa Ceelal.

Danjire SheekheyDanjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Abdulkadir Shekhey Mohamed Alhatimi ayaa amaan iyo bogaadin u jeediyay hindisaha bani’aadanimo ee dowladda Imaaraadka Carabta ay biyo nadiif ah ku gaarsiineyso Shan Milyan oo ruux.

Danjiruhu wuxuu xusay in dad ku dhow 7 milyan oo ruux oo Soomaali ah ay baahi weyn u qabaan helidda biyo nadiif ah .

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Danjire Sheekhey, ayaa lagu sheegay in Caasimadda Muqdisho oo ay ku nool yihiin dad ku dhow Seddex milyan oo ruux aaney heysan mashruuc biyo nadiif ah lagu gaarsiinayo dadka.

Waa markii ugu horreysa oo mas’uul Muwaadin Soomaali ah ka run sheega dhibaka ka jira dalka Soomaaliya, muwaadinkan ayaa noqday Safiirka u fadhiya Soomaaliya dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Abdulkadir Shekhey, isagoo arrintaas ka haslayey waxa uu yiri “ Soomaaliya oo heysata dhul biyo leh ,waxaa ay la’dahay agab iyo farsamo lagu qodo ceelal”.

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Waxa uu ka rajeeyay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka gacan siiso Soomaaliya xal u helidda mushkiladaasi.

SomaliSwiss            Dubai
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: