Nin U Dhashay dalka Mareykanka Oo Qirtay inuu Dhaqaale Ku Taageeray Xarakada Al-Shabaab.

gurfanNin u dhashay dalka Maraykanka oo asalkiisuna ahaa Hindi ayaa qirtay inuu qalab iyo dhaqaaleba ku taageeray malleeshiyada Al-shaab iyo jabhadda Al-Nusra ee ka dagaallanta dalka Syria.

Ninkan ayaa ku qirtay arrintan, Kaddib markii lasoo taagey maxkamad ku taalla magaaladda Miami ee carriga Mareykanka.

Gufran Axmed Kauser Maxamed oo 31 sano jir ah ayuu qirtay dambiyada lagu eedeeyey, wuxuu sheegay inuu dabayaaqadii sannadkii hore ee 2013-kii Al-shabaab iyo Al-Nusra ugu deeqay ($ 21,000) Laabaatan iyo koow kun oo doollar.

Eedaysane Gufran Axmed ayaa la sheegay in la xukumi doono 24 ka bisha October ee sanadkan, waxaana suurta gal ah in lagu xukumo 15 sano oo xabsi ah.

Ha yeeshee sida la sheegay Sirdoonka Maraykanka ee FPI-da ayaa bishii August ee sannadkii hore Mr, Gufran ka soo qabtay dalka Sucuudiga, waxayna isaga iyo nin kale oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Saciid ku eedeeyeen inay xiriir la leeyihiin malleeshiyada Al-shabaab iyo jabhadda Al-Nusra.

SomaliSwiss         Miami
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: