Degmada Xamar-weyne oo maanta laga fuliyey howlgal lagu soo Qabtay Boqollaal Qof.

Howlgal-Booliis.jpg1Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya ayaa waxay maanta howlgal ku sameeyeen Degmada Xamarweyne ee G/Banaadi waxayna ku soo qabqabteen boqolaal qof, kuwaas oo haatan ku socoto baaris.

Dadkan ayaa waxay isugu jireen Ganacsato, dad jidadka iska marayay iyo sidoo kale kuwo dukaamo laga soo dhex-qabtay, iyadoo maamulka Xamar-weyne iyo saraakiisha howlgalka sameenayay ay sheegeen inay tani qayb ka tahay qorshaha lagu adkeynayo ammaanka degmada.

Sidoo kale dadkan la soo qabqabtay ayaa waxaa ka mid ahaa Wariye ka howlgala magaalada Muqdisho, kaas oo la sheegay in lagu xiray saldhigga degmadaas si loogu sameeyo baaritaanno, Weriyuhu mar warbaahinta la hadlayey wuxuu xusay in afar jaho lagala soo galay qoryo uu ammaankoodu furan yahay.

Dhanka kale, guddoomiyaha maamulka degmada Xamar-weyne, C/qaadir Maxamed oo ka warbixiyay howlgalka ayaa sheegay inuu yahay mid lagu xaqijinayo amniga degmada oo ay horay dilal uga dhaceen.

Gudodomiyaha degmada Xamar-weyne oo arintaas ka hadlay wuxuu yiri: “Qof walba baaritaan ayuu marayaa, qofkii la dambi lagu waayo waa la sii daynayaa qofkii kalena sharciga ayaa lala tiigsanayaa. Qofkii la garto inuu yahay shacabka ku nool degmada balse aan dhibaatooyinka geysta isagana waa la sii daynayaa”.

Si kasta ha ahaatee howlgalkan ayaa noqonaya kii ugu baaxadda weynaa ee degmadaas laga sameeyo dhawaanahan, iyadoo degmadaas ay ka dhaceen falal ammaan-darro oo isugu jiray qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo dadkii lagu dilay uu ka mid ahaa xildlhibaan Xayd.

SomaliSwiss     Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: