Danjiraha Turkiga u Fadhiya Muqdisho oo maanta loo Sameeyay-Xaflad Sagootin ah

Safiirka TurkigaDanjiraha Turkiga u Fadhiya Muqdisho oo maanta loo Sameeyay-Xaflad Sagootin ah oo lagu qabtay Hotel Jazeera oo ay soo qabanqaabisay Dallada Cilmibaarista iyo waxbarashada ee SomaliREN oo ay ku mideysan yihiin jaamacado iyo macaahid kale oo lagu sagootinayay danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr Cemalettin Kani Torun oo dhawaan dalkiisa ku laabanaya waxaa ka qeyb galay aqoonyahanno iyo xubno ka socoday qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safiirka Turkiga.jpg1

Dowladda Turkiga ayaa sanadihii la soo dhaafay Soomaaliya ka hirgalisay mashaariic horumarineed oo aad u ballaaran, kuwaas oo lagu dhisay Isbitaallo, Goobo Waxbarasho iyo Waddooyin. Sidoo kale Turkigu wuxuu deeq waxbarasho siiyay kummanaan arday ah oo Soomaaliyeed.

Mudane Daahir Xasan Carab oo ah guddoomiyaha Somali REN ayaa uga mahad celiyay danjire Kani dadaalkiisii uu ku bixiyay caawinta dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ku hadlayay magaca SomaliREN oo ay ku mideysan yihiin jaamacado badan, oo Soomaaliyeed ayuu yiri “Shaqooyinka ay qabteen (Turkigu) waxay isugu jireen inay jidad dhisaan, inay isbitaalo dhisaan inay waxbarashada ka shaqeeyaan, iyo inay mashruucii ugu horreeyay ee bani’aadamnimo ay fuliyeen abaartii dhacday 2011kii, Xilligii uu danjiruhu xafiiska joogay dowladda Turkigu waxay taageero aad u ballaaran siisay shacabka Soomaaliyeed si guud si gaar ahna bahda waxbarashada”

Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa dhacdo aan la hilmaami karin ku tilmaamay gurmadkii ay dowladda Turkigu u fidisay Soomaaliya sanadkii 2011kii oo ay abaar daran dalka ka jirtay, Imaanshahaas oo wax badan ku soo kordhiyay siyaasadda iyo dhaqaalaha waddankeena isla markaana saamaxay in bulshada caalamku ay u soo jeesato Soomaaliya.

“Si gaar ah ayaan ugu mahad celinaynaa safiirka walaalkeen ah oo runtii dhib fara badan iyo duruufo adag la soo kulmay oo ku soo shaqeeyay meelo badan oo waddanka ka mid ah, oo laga yaabo inuu la kulmay waxyaabo badan oo aanan saacideynin inuu waajibkiisa guto” ayuu yiri Sheekh Bashiir oo uga tacsiyeeyay shacabka iyo dowladda Turkiga dadkii ku waxyeeloobay dalka Soomaaliya intii ku sugnaayeen.

“Wixii dhibaato ahaa ee uu la kulmay (Danjiruhu) iyo wixii dhibaato ah oo ay la kulmeen shaqaalaha turkigu oo dhimasho ahaa ama dhaawac ahaa waan uga tacsiyadeyneynaa.

Danjire Cemalettin Kani Torun ayaa u mahad celiyay madaxda dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed oo uu tilmaamay inay soo dhaweeyeen lana shaqeeyeen. Wuxuu intaa ku daray in imaanshihii R/wasaaraha Turkiga ee Muqdisho ay caalamka ku dhiiri galisay in Soomaaliya la tagi karo laguna shaqeyn karo.

“Muhiimadda ugu wayn ee dowladda Turkigu ay sameyneyso waa inay u dooddo sidii ay dadka Soomaaliyeed u midoobi lahaayeen, taasi waa dowrka dowladda Turkiga ay ciyaareyso. Waxaan aadi doonaa Ankara laakin haddii uu Alle idmo, Qalbigeygu waa idinla jiri doonaa waxaan ahaan doonaa Danjire idiin fadhiya Turkiga” ayuu yiri Mr Cemalettin Kani Torun.

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka fulineysa mashaariic horumarineed oo dib loogu dhisayo waddooyin, goobaha waxbarashada iyo Xarumaha Caafimaadka, sidoo kale dowladda Turkiga ayaa marti galisay wada-hallada u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaliya.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: