QORMADA MAANTA: DOWLAD-NIMO WAA MAXAY??

faaloDOWLADA SOOMAALIYA EE XILIGAN JIRTA WAXAA AY KU GUULEYSATAY IN BADAN OO KAMID AH HOWLIHII LOO IGMADAY AMA LOO DOORTAY. HOOS KA AKHRI

BALSE DADYOWGA SOOMAALYEED AYAA AH IYAGU KUWA JECEL FAAFINTA XUMAHA.

WAXAAN SIDAA U LEEYAHAY SHACABKA SOOMAALIYEED IYAGOO OG DHIBAATADA UU SOO MARAY WADANKA SOOMAALIYA HADANA WELI UMA BISLAAN IN AY KAGUDBAAN DHIBAATOOYINKAASI.

DOWLADA UU MADAXWEYNAHA KA YAHAY PFOF. XASAN SHEIKH MAXAMUUD WAXAA AY SAMEYSAY KAABA GELINTA AMA DIB UDHISKA DOWLAD NIMO, IYADOO SHACABKA SOOMAALIYEED KA ILAALINEYSO IN LAGU XAD GUDBO DANAHOODA SHAQSIYADEED, SIDA GANACSIYADOODA, XUQUUQYADOODA AADAMINIMO, ,, IYADOO AY JIRI KARAAN MAANGAABYO KU SHAQEYSTA MAGACA DOWLADA ISLA MARKAANA SUMCAD XUMO USOO JIIDA MAGACA DOWLADA SOOMAALIYEED.

WAXAA AY SAMEYSAY DOWLADA IN AY DIB U FURTO ISKUULO FARA BADAN OO AAN OGNAHAY IN AY MAANTA CARUUR BADAN OO SOOMAALIYEED AY AWOOD U LEEYIHIIN IN AY WAX KU BARTAAN, WELIBA LACAG LA’AAN AH.

SU’AASHU WAXAA AY TAHAY MAXEY AWOODAA DOWLADA.??

1-IN AY MAQUUNISO SHACABKEEDA EE AY XOOG CIIDAN U ISTICMAASHO.

2-IN AY GANACSIYADA GAARKA LOO LEEYAHAY AY XAKAMEYSO CASHUURO KUSOO ROGTO, ISLA MARKAANA AMARO AY KULA WAREEGI KARTO SOO SAARTO.

3-IN AY XAKAMEYSO DHAQDHAQAAQA DADWEYNAHA AMA KUSOO ROGTO BANDOW.

4-IN AY AMARO DOWLI AH KUSOO ROGTO AMABA JOOJISO WAXYAABAHA KUSOO KORDHAY DALKA EE AH MAAMUL GOBOLEEDYADA IWM..

INTAAS MARKI AAN KASOO TAGO WELI SOOMAALIDA UMA BISLAAN DOWLAD-NIMADA MARKA AAN LEEYAHAY WAXAAN ULA JEEDAA, QOF SOOMAALI AH OO KASHEEKEYNAYA HORUMARKA UU DALKEENA GAARAY BUUN BUUNINAYA MA ARKEYSID, BALSE WAXAAD ARKEYSAA DAD KUMASHQUULSAN WAXYAABAHA YAR YAR EE AY SAMEEYAAAN DADKA DABAD DIIDKA AH EE DADKOODA IYO DALKOODA DILEYSTAY..

UGU DAMBEYNTII HADALKU INTAA KUMA SOO KOOBMAYO EE XAQA ILLAAH HANAWADA TUSO, SAMAANTANA AAN USOO JEESANO SOOMAALIYEEY, INAGAA XUMAANTA ISKA REEBI KARNA INAGAANA SAMAANTA ISFARI KARNA EE AAN U WADA TOOSNO DALKEENA IYO DADKEENA CIDKALE UMA MAQNA EE INAGA YAANAN ISKU MASHQUULIN.

WC WR WB

YUSUF GARABEY

%d bloggers like this: