Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Shaaca ka qaaday inay sharci ahayn ansixintii Sharciga Adeegga Garsoorka.

Guddoomiyaha maxkamadaGuddoomiyaha Maxkamadda Sare, Avv Caydiid C/llaahi Ilko-Xanaf ayaa Shaaca ka qaaday inay sharci ahayn ansixintii sharciga adeegga garsoorka dalka oo dhawaan uu ansixiyay Baarlamaanku, isagoo sheegay inuu u arko go’aankaas mid lagu bur-buriyo hay’adda garsoorka dalka Soomaaliya.

Mudane Avv. Ilko-xanaf oo maanta kasoo laabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa warbaahinta kula hadlayay garoonka diyaaradaha Muqdisho wuxuuna sheegay in is-bedel lagu sameyn karo garsoorka dalka iyadoo aan la khilaafin dastuurka dalka u yaalla.

Avv. Caydiid oo arrintaas sii faafaahinayey wuxuu yiri: “Garsoorku waa hay’ad ka madaxbannaan hay’adaha kale ee dalka, mana dhacayso in ha’yad ay ha’yad kale shaqaadeeda ka qaaddo ama ay shaqooyinkeeda faragelin ku sameyso . Waan qabaa in dib u habeynalgu sameeyo garsoorka, balse waa inaan la jabin dastuurka ama aan buuq la sameyn”.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa sheegay in garsoorka uu qayb ka yahay saddexda hay’adood ee dalka ugu sarreysa, mid walbana shaqo gaar ah ay leedahay, isagoo sheegay inaan loo baahnayn in la abuuro ama dastuurka dalka la jabiyo.

“Ha’yadaha dalka ugu sarreeya waa Garsoorka, Fulinta iyo Sharci-dejinta, ha’yad ka qaadi karta hay’ad kale shaqadeedana ma jirto, marka waxaan qabaa inaan khilaaf la dhex-dhigin hay’adaha fulinta iyo garsoorka,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka wuxuu sheegay in haddii la doonayo in isaga xilka laga qaado si tartiib loogu sheegi karo iyadoo aan buuq la sameyn, isaguna uu diyaar u yahay inuu xilka ka dago.

“Qorshuhu haddii uu yahay inaan aniga shaqada ka tago, waxaa la ii sheegi karaa iyadoo aan buuq la sameyn, anigana diyaar ayaan u ahay inaan ka dago. Laguuma baahna adeer waadna gabowday haddii la i yiraahdo waan ka daganaa ma doonayo inaan isku sii dhajiyo,” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv. Caydiid Cabdullaahi Ilko-Xanaf.

Dhanka kale, dhawaan ayay ahayd markii xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, C/qaadir Maxamed Muuse uu isaguna gaashaanka ku dhuftay ansixinta guddiga adeegga garsoorka dalka, isagoo ku tilmaamay in sharcigan uu yahay mid ka horimaanaya dastuurka dalka.

Balse ilaa haatan ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca hay’adda fulinta dalka oo ku saabsan sida ay u arkaan diidmada ay ka muujiyeen xubnaha hay’adda garsoorka, ansixitii sharciga adeegga garsoorka dalka.

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: