Safiirkii Soomaaliya u fadiyay dalka Ingiriiska oo loo magacaabay Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida.

1511406_833406310004692_7358691541007144770_nRa’isul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa galabta si rasmi ah ugu magacaabay Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ahaa Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Ingiriiska. Tallaabadan magacaabista ayaa ka dambeysay markii xilalkii laga qaaday Taliyeyaashii Nabadsugida iyo Booliska, kadib weerarkii xalay lagu qaaday Xarunta Mafaxtooyada, kaasoo ahaa kii labaad.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa galabta si rasmi ah ugu magacaabay Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ahaa Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Ingiriiska.

Tallaabadan magacaabista ayaa ka dambeysay markii xilalkii laga qaaday Taliyeyaashii Nabadsugida iyo Booliska, kadib weerarkii xalay lagu qaaday Xarunta Mafaxtooyada, kaasoo ahaa kii labaad.

C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa horay u soo noqday Wasiirkii Amniga dowladdii KMG, waxaa uu horay ugu soo shaqeeyay hey’adaha Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ogolaaday magacaabista Agaasimaha cusub ee Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida, waxaana arrintan ay daba socotaa is bedelada dhinaca ammaanka ee ay Xukuumada sameysay saacadihii u dambeeyay, taasoo looga jawaabayay weerarkii xalay.

Goor sii horeysay ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu si KMG ah xilka Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida ugu magacaabay Maxamed Cabdullahi Xaamud, kadib markii uu xilka ka qaaday agaasimihii hore Bashiir Maxamed Jaamac oo xilkaas muddo sanad iyo bar ku dhow hayay.

Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa loo magcaabay General Khaliif Axmed Ereg, iyadoo taliyaha ciidammada Booliska Soomaaliyeedna loo magcaabay Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil.

%d bloggers like this: