R/wasaare C/weli Sheekh oo magacaabay Wasiirka Amniga Qaranka, isbedelna ku sameeyay Laamaha Amniga

Ra'iisal-waasaraha CusubWareegta uu soo saaray R/wasaare Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa wuxuu ku magacaabay wasiirka cusub ee Amniga Qaranka, isagoo xilalkii ka qaaday taliyayaasha ciidamada Booliiska iyo nabadsugidda una magacaabay taliyayaal cusub. (SAWIRO)

Wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dad waynaha xukumada Fereaalka Soomaaliya , Musftaf Sh. Cali Dhulow oo shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay wasaradda warfaafinta ayaa sheegay in isbadal weyn lagu sameeyay lamaha amniga dalka, kadib weerarkii ay Xarakada Al-shabaab ay xalay ka gaysteen xaruunta madax tooyada Qaranka Soomaaliya, kaasi oo ay fashiliyeen Ciidamada dowladda.

Wasiirka Amniga Qaranka EregWasiirka warfaafinta ayaa sheegay in Ra’iisal-waruhu uu soo saaray Wareegto uu ku magacaabaya wasiirka Amniga Qaranka , waxaana loo magacaabay, S/guuto Qaliif Axmed Ereg, iyadoo xilkii laga qaaday taliyihii ciidanka Booliiska S/guuto C/xakiin Daahir Sacid halka taliyaha cusub ee boliska loo magacaabay S/guuto Maxamed Sh. Xasan Ismaciil , sidoo kale waxaa xilkii laga qaaday agaasimihii hey’adda sirdoonka iyo nabadsugida S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac, waxaana si KMG ah xilkaasi he’yadda u heynaya G/sare Maxamed C/llaahi Xaamud.

Saraakiisha goobe iyo SaacidWasiirka Warfaafinta ayaa xusay in R/wasaaruhu uu xeeriyay in taliyaha qeybta guud ee booliiska G/Banaadir iyo taliyaha Nabadsugidda G/Banaadir ay si toos ah u hoos tagayaan gudoomiyaha gobolka Banaadir.

R/wasaaraha ayaa faray wasiirka Amniga Qaranka inuu fuliyo amarkan islamarkaana uu si dhaqsa ah uga howlgalo sugidda amniga Qaranka, isagoo dhinaca kale hogaaminta booliiska iyo nabadsugida ku amray iney si adag oo dhiifoon u fuliyaan howshooda.

Si kastaba ha ahaatee Go’aankan deg dega ah ee R/wasaare Dr. C/weli Sh. Axmed uu qaatay ayaa ka dambeeyay weerar ay ciidamadu fashiliyeen oo dhagar qabayaal ka tirsan Shabaab ku soo qaadeen xalay xarunta madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya.

Ugu dambeyn, wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu si gaar ah ugu mahad-celinayo taliyeyaashii xilalka laga qaaday oo howl adag soo qabtay intii ay xilalkan hayeen.

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: