Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Axmed oo shir guddoominayey Kulan looga gorfeynayey Ammaanka Caasimadda.

Golaha-Wasiirada CusubWaxaa xalay magaalada Muqdisho ka dhacay Shir uu shir guddoominayey Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, waxaa ka qeyb-galay wasiirrada Xukuumadda, guddiga Difaaca u qaabilsan Barlamaanka xubno ka socday taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska, guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana looga hadlayey ammaanka caasimadda iyo isbadellada la qorsheeyey in lagu xasiliyo sidii loo fulin lahaa.

Sidoo kale inta uu socday shirka, waxaa si qoto dheer looga gorfeeyey dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee la xiriirra dhanka ammaanka ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sida lagu soo warramay shirkan ayaa gaaray ilaa habeen barkii xalay, kaddib, markii uu dhammaaday waxaa warbaahinta sharraxaad ka siiyey Wasiirka Gaashaandhigga ahna sii hayaha xilka wasiirka Amniga Qaranka, Jeneral Maxamed Sheekh waxa uu tilmaamay in shirkan ay ka soo baxeen sidii loo qaadi lahaa tallaabbo wadajir ah oo shacabka iyo Xukuumadda ay iska kaashanayaan loogana hortaggayo ficillada argagixisada ay ummaddeena la damacsan tahay.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed guud ahaan in ay gacan ka geystaan sidii loo cirib tiri lahaa kooxaha doonaya bisha Ramadaan ay qal-qal geliyaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Shirkan ayaa daba socoda shirar dhanka ammaanka looga hadlayay oo ay madaxda sarre ee Qaranka la qaadanayaan hey’adaha ammaanka qaabilsan, iyadoo Xukuumaddu ay ku dhawaaqday isbaddel weyn oo amniga in ay ka hirgelinayaan magaalada Muqdisho, kaas oo bartilmaameedsan doona kooxaha nabad diidka ah ee Al-shabaab.

SomaliSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: