Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku riday dhagar qabe Shabaab ka tirsan.

NamnlösMaxkamadda darajada 1aad ee ciidamada qalabka SIDA ee Soomaaliya ayaa maanta  xukun dil ah ku riday nin ka tirsan Shabaab ka oo ka dambeyey qaraxii ka dhacay Hotelka Maka Al Mukarama sanadki la soo dhaafay.

Xukunkan ay maanta Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ay ku riday Caawiye Axmed Jaamac oo ka dambeeyay qaraxii 8-da November ee sanadkii tegay ka dhacay Hotelka Maka Al Mukarama, kaasi oo sababay qasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyeed.

Dhageysiga Maxkamadda kiiskan intii uu socday ayaa xeer ilaalinta Maxkamadda waxa ay goobta ku soo bandhigeen cadeymo muuqaal ah oo muujinaya in uu Caawiye qaraxaasi ka dambeeyay, inkasta oo eedeysanuhu uu Maxkamadda ka hor qirtay in uu falkaasi ku luglahaa, haseyeeshee waxa uu ku dooday in uu ka dambeeyay oo kaliya qaraxa gudaha Hotelka ka dhacay, kaasi oo aan wax qasaare ah geysan balse uu jiray qarax gaari oo banaanka hore ee Hotelka ka dhacay oo qasaare geystay.

Caawiye Axmed Jaamac oo 25 sano jir ah ayaa ku dhashay gobolka Togdheer waxaana in uu u soo wareego Koonfurta Soomaaliya ku dhaliyay markii ay si khaldan uga faa’iideysteen maleeshiyaadka xagjirka ah ee Al-Shabaab oo magaalada Buula Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose ku soo qaatay tababar sagaal bil u socday oo ah in uu ka qayb qaato gumaadka shacabka Soomaaliyeed ee ay ku hayaan dhagar qabayaasha Al-Shabaab.

Qareenka u doodayay Caawiye ayaa Maxkamadda ka codsaday in dambiga loo qafiifiyo maadaama, uu yahay qiraal ah in uu la shaqeeyay Al-Shabaab, kana dambeeyay qaraxii Hotelka Maka Al Mukarama.

Markii ay dhamaatay dhageysiga iyo caddeymihii Maxkamadda lahor keenay ayuu guddoomiyaha Maxkamada darajada Koowaad ee ciidamada qalabka SIDA Liibaan Cali Yarow ku dhawaaqay Xukunka oo uu ku sheegay in ay tahay dil toogasho, kaddib markii uu tilmaamay in uu qirtay falka qaraxa ah ee ka dhacay Hotelka, lana shaqeeyay dhagar qabayaasha Al-Shabaab.

%d bloggers like this: