Kooxda Al-shabaab oo mar kale weerar khasaare geystay ku qaadday Dalka Kenya

Qarax KenyaWar naga soo gaaray magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Kooxda Al-shabaab ay mar kale weerar khasaare geystay ku qaadday Dalka Kenya, waxaana weerarkaas ku dhintay ugu yaraan 13-qof.

Waxaa kaloo jira weerarro kale oo xalay ka dhacay gudaha dalka Kenya, iyadoo mid ka mid ah weerarradaas uu ka dhacay Jasiiradda Lamu.

Hay’adda bisha Cas ee dalka Kenya ayaa sheegay in afar qof oo ka mid ah dadkan ay ku dhinteen deegaanka ay ku badan yihiin Hindida ee Jasiiradda Lamu, halka ay sagaalka qof ee kalena ku dhinteen deegaanka Gambe.

Waxaa jira deegaanka Hindida ay ku badan tahay ee Jasiiradda Lamu ayaa waxay ku dhow dahay degmada a Mpeketoni oo bishii hore uu ka dhacay weerarro ay ku dhinteen 63-qof, kuwaasoo ay mas’uuliyaddooda sheegatay Al-shabaab.

Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo arrintaasi ka hadlayey wuxuu yiri: “Innaga ayaa weerarradaas qaaday waxaana ku dilnay dad badan, xoogaggeenniina waxay dib ugu soo laabteen iyagoo nabad qaba halkii ay ka duleen”.

Sidoo kale Jasiiradda Lamu ayaa waxaa bishii lasoo dhaafay ka dhaca weerar ay ku dhinteen 60-qof kuwaasoo ay sheegatay Al-shabaab, deegaankaas burbur xooggan uu kasoo gaaray dhismayaasha deegaanka iyo saldhigyada booliiska ee Mpeketoni.

Dhanka kale, weerarkaas ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab, inkastoo madaxweynaha Kenya uu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid ay ka dambeeyeen shabakado Kenyan ah oo uusan magacyadooda carra-baabin.

SomaliSwiss       Nairobi
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: