Qarax Xooggan oo maanta barqadii ka dhacay agagaarka Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Qarax BarlamaankaQarax Xooggan oo maanta barqadii ka dhacay agagaarka Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ugu yaraan ku dhintay shan qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen ciidan ilaalo ka ahaa Yarunta Baarlamaanka Soomaaliya kaddin markii weerar is-miidaamin ah lagu qaaday xarunta baarlaamanka Soomaaliya, iyadoona ay ku dhaawacmeen 11-qof oo kale.

Weerarkan oo ahaa mid loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala eegtay mid ka mid ah albaabbada baarlamaanka xilli ay baarlamaanka sii galayeen xildhibaannada oo halkaas ku yeelan lahaa kulamadoodii caadigaa.

Qaraxan oo ka dhacay isgoyska Sayidka oo ay ku dhow yihiin xeryo ay deggen yihiin dad barakacayaal ah iyo xarunta Otto-Otto ee booliiska, balse lama oga cidda sida dhabta ah loola beegasday qaraxan ismiidaaminta ah.

Sidoo kale Afhayeenka booliiska Soomaaliya, G/dhexe Qaasim Axmed Rooble oo ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxan ayaa sheegay inay ku dhinteen laba ilmood oo ku noolaa Xero barakacayaal oo ku yaalla agagaarka xarunta Baarlamaanka, laba askari oo ilaalada baarlamaanka ka tirsan iyo ruuxii weerarka fuliyay.

Afhayeenka guud ee booliiska oo arrintaas faafaahinayey wuxuu yiri: “Gaariga ismiidaminta lagu fuliyay waxaa arkay ciidamada ammaanka oo heegan ku jiray, waxayna ku billaabeen rasaas intii uusan bartilmaameedkiisa gaarin, wuxuuna qarxay xilli uu ruuxii waday uu ku dhintay rasaastii ilaalada ay ku huwiyeen gaariga”.

Dhanka kale, Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ka dhaawacmeen afar askari, isagoo xusay in toddobadii kale ee dhaawacmayna ay ahaayeen shacab ku noolaa xeryo barakacayaal ah oo ku yaalla agagaarka baarlamaanka Somalia.

Wuxuu kaloo uu sheegay Afhayeenka booliiska Soomaaliya in weerarkan uu qayb ka yahay weerarro ay doonayaan in Xarakada Al-shabaab ay ka fuliyaan Muqdisho, balseuu sheegay in Boliisku ay mar walba diyaar u yihiin inay ka hortagaan.

Qaraxaas awgiis waxaa baaqday kulankii uu baarlamaanku lahaa, iyadoo ay xildhibaannadii isaga kala taageen goobtaas, waxaana weerarkan uu noqonayaa kii labaad oo lagu qaado baarlamaanka tan iyo bishii May ee sannadkan.

Si kastaba ha ahaatee, Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, iyadoo afhayeen u hadlay uu sheegay in weerarkan uu ahaa mid qorsheysan ayna ku dileen askar badan oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya markii uu ku dhawaaqay barnaamijka amniga lagu sugayo ee Nabad ku Afur ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay in ka badan 15-qof oo u badan askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

SomaliSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: