Maxamed A. Nuur “Tarsan“ oo ahaan jiray Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir oo ka hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya

Mayor of Mogadishu - TarsanMudane Max’uud Axmed Nuur Tarsan oo ahaan jiray Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, oo haatan ku sugan Magaalada London ee dalka Ingriiska ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

Mudane Tarsan ayaa shaki-geliyay inay waajibaadyadooda gutaan wasiirrada iyo xildhibaannada dowladda hadda jirta, wuxuuna xusay in la kala garan la’yahay wasiir iyo xildhibaan iyo inay wasiirradu u adeegaan qarannnimada iyo in kale.

Sidoo kale Duqii hore ee magaalada Muqdisho oo wareysigan siiyay BBC-da ayaa sheegay inay habboon tahay, ayna lagama maarmaan tahay in danaha gaar ahaaneed laga horumariyo tan guud, taasoo uu ku tilmaamay in astaan dhab ah ay u noqon doonto Qaranimada Soomaaliyeed.

Mudane Tarsan oo ka hadlayey dilkii xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd oo toddobaadkii hore loogu geystay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ciddii ka dambeysay dilkaas aanay baxsan lahayn haddii ay jiri lahayd isku-xirnaan iyo wada-shaqeyn u dhaxeeysa hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya.

Duqii hore ee magaalada Muqdisho oo ka warbixinayey dilkii marxuum Xayd wuxuu yiri: “Meesha xildhibaanka lagu toogtay meel laga baxsan karo maba ahayn, baabuur inuu baxdo ma ahayn, haddii ay jiri lahayn wada-shaqeyn iyo nidaam, saldhigga Xamar-Jajab waddada ayuu xiri lahaa, saldhiga waabari ayaa isna waddada soo gala xiri lahaa, sidoo kalena wxuuu saldhigga Xamar-weyne xiri lahaa waddada meeshaas ayaana lagu heli baabuurkaas mana baxsan lahayn”.

Dhanka kale, wuxuu xusay in mar walba dilal ay dhacaan madaxda iyo hay’adaha ammaanka ay ku cel-celiyaan waa baaraynaa, balse aanay jriin cid dib dambe wax isaga weydiisa wixii dhacay.

Guddoomiyihii hore oo soo hadal qaaday awoodda la siiyay guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ee lagu hoos-geeyay ciidanka nabadsugidda iyo booliska gobolka ayuu ku tilmaamay inuusan garan karin inay ka amarqaataan isaga iyo in kale.

Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Inkastoo madaxweynuhu yiri hadlakan, haddana ma arag warqad caddeynaysa in talisyada ciidamada booliska iyo nabadsugidda gobolka ay ka amar qaadanayaan guddoomiyaha; sidaa daraadeed ma hubo wax arrintaas run ka ah iyo inay sidaas uga amar-qaataan, balse haddii ay ka amar-qaadanayaan oo ay run tahay, waxaa la rabaa in saldhig kasta la geeyo ciidan ku filan, lana siiyo wixii tashiilaad ah ee ay u baahan yihiin… sida rasaasta iyo shidaalka, haddii ay sidaas la yeelinna wax afka laga yiri ma sconayaan”.

Ugu danbeyntii, duqii hore wuxuu dhaliilay barnaamijka siyaasadeed ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee qodob ku dhisnaa, isagoo xusay in wasiir la fahansan aanu jirin, wuxuuna ku sifeeyay inay kaliya tahay warqad lagu qoray lixdaas tiir oo ay ugu horreeyaan amniga, amniga iyo amniga.

SomaliSwiss          London
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: