Golaha Ammaanka ee QM oo Cambaareeyey dilkii loo geystay Xildhibaan Xayd

African UnionSummit.jpg1Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aad ah u cambaareeyay dilkii xildhibaan, Maxamed Maxamuud Xayd oo shalay loogu geystay Muqdisho, dilkaas oo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Xarakada Al-shabaab.

Weerarkan oo ka dhacay degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir ayaa lagu dilay xildhibaan Xayd iyo askari ilaalo u ahaa, iyadoo lagu dhaawacay xildhibaan C/llaahi Axmed Coonka iyo ruux kale oo ka mid ahaa shaqaalaha rayidka ah ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Golaha ammaanka ayaa hadalkooda ku sheegay inay aad uga ar-gagaxeen sida aan gaabiska lahayn ee kooxda Al-shabaab ay u beegsnayso xubnaha baarlamaanka Soomaaliya oo matala shacabka Soomaaliyeed una taagan inay Soomaaliya gaarsiiyaan, nabadgalyo, deggenaasho, mustaqbal wanaagsan iyo dimuqraadiyad.

Xubnaha Golaha ammaanka ayaa waxay sheegeen in falalka argagaxiso ee noocan ah ay yihiin kuwo khatar weyn ku ah nabadgalyada iyo ammaanka caalamka oo dhan,waxayna xusay in falalka argagaxisada ay yihiin kuwo aan sinnaba loo ogolaan karin inay sii socdaan.
Dhanka kale, Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ku baaqay in si wadajir ah looga hortago falalka argagaxiso, iyadoo la raacayo sharciyada uga dagsan falalkan golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Xubnaha Golaha ammaanka waxay hoosta ka xariiqeen in la taageeraya ama dhaqaalaha lagu caawiyo dambiilayaasha ku dhaqmo falalka argagaxiska ah inay tahay dambio, waxayna codsadeen in kuwii dilay xildhibaanka la horkeeno cadaaladda, si loo mariyo ciqaab adag, arrintaasna ay waajib tahay in laga caawiyo dowladda Soomaaliya sidii ay uga hor-tegi lahayd argagaxisada.

Ha yeeshee Xubnaha ayaa waxay ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya inay u guntadaan sidii ay cagta u marin lahaayeen argagaxisada, iyadoo dhowraya shuruucda caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha.

Xubnaha golaha ammaanka ayaa ugu dambeyn waxay hadalkooda kusoo xireen in tallaabooyin adag laga qaado kuwa halista ku ah nabadda, xasilloonida iyo ammaanka Soomaaliya. Iyagoo intaas ku daray in kuwa falalka noocaas oo kale ah geysnaya inay kasoo horjeedaan ayna gacan ku siinayaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii looga taqalusi lahaa argagxisda.

SomaliSwiss       Kampala
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: