Dowladda Mareykanka oo ka digtay weerarro Argagixis ah oo ka dhaca Garoonka Diyaaradaha Entebbe ee Dalka Uganda.

flag usaDowladda Mareynka ayaa uga digtay muwaadiniinteeda ku sugan dalka Uganda weerarro argagixis ah oo ka dhaca garoonka diyaaradaha Entebbe ee Caasimadda dalka Uganda ee magaalada Kambala.

Warbixin laga helay booliska dalka Uganda ayaa lagu daabacay bogga wararka ee safaaradda Mareykanka ee dalka Uganda, taasoo caddeyneyso suura galnimada weeraro argagixiso oo ka dhaca garoonka diyaaradaha ee Entebbe 9:00-ka ilaa 11:00 Pm ee waqtiga Uganda.

Sidoo kale Mareykanka ayaa muwaadiniintiisa uga digay inay xilligaasi safraan, kuwaasoo laga yaabo inay dib u dhigaan socdaalkooda.

Afhayeenada booliska Uganda ayaa sheegtay in la adkeeyay amaanka garoonka Entebbe, ayna umuuqanin Qatar weyn oo kusoo wajahan garoonka.
Dalka Uganda ayaa qeyb ah dalalka ay ciidamada nabad ilaalinta ee midowga Afrika (AMISOM) ka joogaan dalkeena Soomaaliya kuwaasoo dagaal kula jira Al-shabaab.

SomaliSwiss         Kampala
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: