War dheeri ah oo kasoo baxay dilkii loo geystay Mudane Xeyd iyo dhaawacii Coonka

Xildhibaan XaydWar dheeri ah oo kasoo baxay dilkii Mudane Maxamed Maxamuud Xeyd oo maanta loogu geystay degmada Xamar-weyne ee G/Banaadir iyo dhaawacii xildhibaan C/llaahi Axmed Xuseen Coonka.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxaa lala dilay askari ilaalo u ahaa, iyadoo la dhaawacay laba qof oo uu ku jiro xildhibaan Coonka iyo wiil ka mid ahaa shaqaalaha rayidka ah ee baarlamaanka oo xildhibaannada la saarnaa gaariga.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa Warbaahinta u sheegay in xildhibaannada midna la dilay mid kalena dhaawac loo geystay xilli ay ku socdeen xarunta baarlamaanka si ay uga qaybgalaan shir halkaas ka socday, balse kooxahan hubeysan oo wata gaariga ay ku hor-jareen gaarigooda gaarigii ay wateen, dabadeedna ay rasaas fara badan ku fureen.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay, waxayna yiraahdeen: “Mudanayaasha baabuurkii ay wateen wuxuu isku dayay inuu baxsado, balse taas way u suurogeli wayday markii kooxaha hubeysan ay gaarigoogii ku hor-gooyeen gaarigii ay xildhibaannadu wateen, rasaas badan ayayna ku fureen”.

Sidoo kale, goobjoogaha ayaa sheegay inuu kor tagay gaariga xildhibaannadu ay wateen markii kooxaha hubeysan ay dhaqaaqeen, wuxuuna ku arkay xildhibaan Xeyd oo mayd ah, askarigii ilaalada u ahaa oo mayd ah iyo xildhibaan coonka iyo qof kale oo dhaawacyo qaba.

Dhanka kale, guddoomiyaha degmada Xamar-weyne Cabdulqaadir Maxamed C/qaadir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarka dilka iyo dhaawaca loogu kala geystay labada xildhibaan, askariga iyo qofka shaqaalaha baarlamaanka ka tirsan uu ahaa mid qorsheysan.

Balse Guddoomiyaha degmada Xamar-weyne wuyuu yiri: “Waxaan u qabannay dilkan ilaalada hoteel oo goobta ku sugnaa markii uu dilku dhacayay iyo dad kale, baaritaanno ayaana lagu sameyn doonaa”.

Si kastaba, weerarkan ayaa waxaa sheegatay mas’uuliyaddiisa Al-shabaab oo ku goodisay inay sii wadi doonto weerarrada lagu beegsanayo mudanayaasha golaha baarlamaanka Soomaaliya.

SomaliSwiss       Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: