Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya oo ka hadlay dilka Xildhibaan Xayd, kana tacsiyeeyey.

Ra'iisul_Wasaaraha cusubRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli sheekh Axmed, ayaa ka tacsiyeeyay dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Maxamuud (Xayd) oo maanta u geeriyooday weerar ay ku qaadeen dhagar-qabayaal xili uu marayay degmada Xamar-weyne.

Mudane Cabdiweli ayaa uga tacsiyeeyey qoyskii, eheladii, asxaabtii, xildhibaanada iyo qaranka uu ka tegay xildhibaanku, isagoo Illaah uga baryey in uu jannadiisa ka waraabiyo.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuu yiri: “ Waxaan si tiiraanyo leh uga tacsiyeynayaa dilka xildhibaan Maxamed Maxamuud (Xayd) oo maanta gacan ka xaq darani ku dishay magaalada Muqdisho. Waxaan Illaah uga baryayaa in uu Jannadiisa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskii iyo ehelkii uu ka tegay, Xildhibaanku waxa uu taariikh dheer ku lahaa dhismaha dowladnimada Soomaaliya ”.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa si adag u cambaareeyey falkan argagaxisanimo ee lagu dilay xildhibaanka, isagoo ku tilmaamay mid bahalnimo ah oo aan qiil lahayn, islamarkaana ka baxsan qiyamka iyo dhaqanka diinta Islaamka. Mudane Cabdiweli ayaa balan-qaaday in qaranka Soomaaliya uu ka guuleysan doono cadawgiisa.
Axmedyiri  .R.W Cabdiweli Sh.Axmed oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Waxaan sii xoojin doonnaa tallaabooyinka aanu ku beegsanayno dambiilayaasha caadeystay daadinta dhiigga dadkeenna sharafta leh xiligan aan ku jirno bisha barakeysan ee Ramadan, waxaan ugu baaqayaa waaxaha amniga ee arrintan baaritaanka ka wada in ay si deg-deg ah gacanta ugu soo dhigaan kuwii geystay falkan foosha xun, isla markaana la horgeeyo cadaaladda”.

SomaliSwiss           Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: