Qaramada Midoobay oo ka digtay in Somalia ay mar kale Macluuli ka Dillaacdo

UN_new_yorkQaramada Midoobay ayaa sheegtay in malaayiin qof oo ku nool dalalka Soomaaliya iyo Yemen ay u baahan yihiin kaalmo deg-deg ah, si looga hor-tago inay macluul ka dilaacdo deegaannada ay dadkaan ku nool yihiin.

Madaxa howlaha gargaarka bani’aadamnimo ee UN-ka, John Ging oo toddobaadkii lasoo dhaafay booqday ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheeegay in jawaabta ay ka bixin karto Qaramada Midoobay caawinta dalkaad ay aad u kooban tahay.

Mr. Ging ayaa shirkiisan jaraa’id oo uu shalay qabtay ku sheegay in dhaqaalihii ay dalbadeen inay wax ku caawiyaan Yemen oo ahaa 529-milyan oo doollar keliya ay ka heleen 195-milyan. Halka dhaqaalihii ay u dalbeen Soomaaliya oo ahaa 933-milyan oo doollar ay ka heleen 232-milyan oo keliya.

“Labadan dal waxay qarka u saaran yihiin inay dhibaatooyin ka dillaacaan, haddii aysan beesha calaamku si dhaqso ah uga jawaabin kaalmooyinka lagu caawinayo, si aysan dhibaato dhinaca nolosha ah uga dhicin,” ayuu yiri Ging.

Sidoo kale, Ging wuxuu sheegay in xaaladaha bani’aadamnimo ee ka jira Yemen in ay sababeen amni-darrooyinka ka jira dalkaas, hoos u dhac ku yimid dhaqaalaha iyo ilaha biyaha dalkaas oo aad u yar.
Xilligan la joogo, dalka Yemen waxaa gargaar u baahan 14.7 milyan oo qof, taasoo u dhiganta 58% shacabka Yemen. Dadkan 10.5 milyan oo ka mid ah ayaa u baahan gargaar cunno oo deg-deg ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin 4.5 milyan oo ku tiirsan cunnooyinka ay ka helaan ha’yadaha gargaarka.

“Keliya hal milyan oo qof oo Yemen ku nool ayaa illaa iyo hadda helay kaalmooyin dhinaca cunnada ah,” ayuu yiri John Ging. Sidoo kale ha’yadda UNICEF ayaa xustay in 58% caruurta dalka Yemen ay haystaan xaalado dhinaca nafaqada ah.

Dhanka kale, John Ging ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in Soomaaliya dhaqaalihii dibadaha looga diri jiray Soomaaliya la xayiray, iyadoo loo adeegsanayo sharciga la-dagaalanka argagaxisada. Isagoo xusay in qoysaskii noloshoodu ay ku tiirsanayd lacagta ay dibadaha ka helaan ay haatan u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo.

“Waxaan u jeednaa in Soomaaliya ay ka muuqdaan tusaalayaal la mid ah kuwii ka jiray 2010-kii oo dalka gaarsiiyay inay macluul ka dillaacdo sannadkii 2011,” ayuu yiri John Ging. “Sidaa daraadeed farriinteennu waa mid cad, waxaan doonaynaa in wax laga qabto arrimaahaas, haddii kale waxaa iman doonto natiijo la mid ah tii 2011-kii.”

Sidoo kale, hay’adaha samafalka ayaa iyaguna sheegay in haddii aanay si dhaqso ah u helin daweyn 50,000 oo caruur Soomaaliyeed ah inay dhici karto inay dhintaan toddobaadyada soo socda.

Ugu dambeyn, John Ging ayaa sheegay in la qaado tallaabo looga hortagayo in mar kale aysan Soomaaliya dib ugu laaban macluushii ka dillaacday sannadkii 2011 oo salfatay nolosha dadka badan oo Soomaaliyeed.

Source:       UN
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: