Maxaa ka jira in Ciidamo Mareykanka ah ay si qarsoodi ah uga howlgalaan dalka Soomaaliya?

USA Iyo Somalia.Sida ay shaaciyeen Saraakiil Mareykanka ah in Ciidamo Mareykanka ay si qarsoodi ah uga howlgalaan dalka Soomaaliya, kuwaas oo tan iyo sannadkii 2007-dii, iyagoo xusay inay taasi qayb ka tahay qorshe uu Mareykanku ku doonayo inuu ku yareeyo khataraha Al-shabaab ka imaanaya.

Sida ay sheegeen Saraakiisha Mareykanka ah ayaa waxay arrintan ka dhigaysaa markii labaad oo Mareykanka uu ciidammo u soo diro Soomaaliya tan iyo sannadkii 1993-kii, markaas oo 18-askari oo Mareykan ah lagu dilo dagaallo ka dhacay Muqdisho.

Wasaaradda gaashaandhigga Mareykanku ayaa sheegtay in dalka Soomaaliya ay kaga sugan yihiin Ciidan gaaraya ilaa 120 askari oo ay si rasmi u sheegtay bishii Jannaayo 2014-ka inay yihiin la-taliyeyaal dhinaca milateriga ah. Mareykanka

Waa markii labaad uu Mareykanku ciidamadiisa ku keenay Soomaaliya, waxaana lagu micneeyay inay tahay mid lagu doonayo in lagu jabiyo Al-shabaab oo muddo toddoba sannadood ah dagaal uu dhiig badan ku daatay kula jirta xukuumadda Soomaaliya iyo ciidamada caawinaya ee Midowga Afrika.

Sidoo kale qorshaha dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay inay qayb ka yihiin tababarro ay siiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, si ay awood buuxda ugu yeeshaan iska caabinta xoogagga Al-shabaab.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa warkan ka soo xigatay Saraakiil ka tirsan maamulka Barack Obama waxayna Saraakiishaas ay sheegeen in ciidamadaas ay tiradoodu tahay 120-askari ay u joogaan Somalia tababaridda ciidamada dowladda Soomaaliya iyo la talintooda.

Sarkaal sare oo ka tirsan xukuumadda Mareykanka ayaa u sheegay Wakaaladda Reuters in Ciidamadan aysan ahayn kuwo ku lug leh colaadaha, wuxuuna xusay in ciidamadan ay yihiin oo keliya kuwo dhinaca talooyinka ah kala shaqeeya ciidanka Sooomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Madaxweyne Barack Obama ayaa sheegay sannadkii lasoo dhaafay inay dowladda Soomaaliya ka caawinayaan dhinaca qalabka ciidamada si ay awood ugu yeelato inay ka hortago khataraha kaga imaanaya argagaxisada.

Si kasta ha ahaatee waxaa dhawaanahan ay baahinayeen qaar ka mid ah war-baahinta Mareykanka in gudaha Soomaaliya ay ku sugan yihiin ciidammo gaar ah oo Mareykanku leeyahay, kuwaasoo xabsiyo qarsoodi ah ku leh Muqdisho.

Source:          Reuters
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: