Kooxo hubeysan oo magaalada Muqdisho ku dilay Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Dalka Soomaaliya.

XaydKooxo dhagar qabayaal ah oo hubeysnaa ayaa goor dhow degmada Xamar weyne Ee Gobolka Banaadir ku dilay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd oo ka mid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo xildhibaanka uu la geeriyooday mid ka mid ah ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dad Goobjoogayaal ahaa ayaa sheegay in xildhibaanka Xayd uu u geeriyooday xabbado dhowr ah oo ku dhacday, halka xildhibaan Coonka uu gaaray dhaawac daran, isla markiiba loona qaaday isbitaal si loo daweeyo.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan ay gaari soo ag-dhigteen gaarigii ay wateen xildhibaannadan ayna rasaas ku fureen, inkastoo laba xildhibaan oo kale oo gaariga saarnaa aysan jirin wax khasaare ah oo gaaray.

Dhanka kale, guddoomiyaha degmada Xamarweyne, Maxamed C/qaadir Maxamed ayaa u sheegay warbaahinta in dilka uu ka dhacay agagaarka Hotel Central ee degmada Xamar-weyne, ayna xildhibaannada toogteen dabley wadatay gaari Surf ah, kuwaas oo toogashada kaddib goobta ka carareen.

Allaha U Naxariistee Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd ayaa waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanada aadka uga hadla maslaxadda Umadda Soomaaliyeed, iyadoo kulamada baarlamaanka uu ka sheegi jiray go’aamada waxtarka u ah dadka iyo dalka.

SomaliSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: