Wasiirka A. Gudaha iyo Duqa Muqdisho oo soo Kormeeray Degmooyin ka tirsan G/Banaadir.

Kormeer W. Gudaha.jpg1Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa xalay kormeer ku sameeyay qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho, si ay ugu kuurgalaan xaaladda amaan ee goobahaas.

???????????????????????????????Sidoo kale, Mas’uuliyiintan ayaa xalay ku afuray degmada Wardhiigley, iyagoo markaas kaddib kormeeray xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid, Howlwadaag iyo Huriwaa oo ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir, iyagoo qaybaha warbaahinta kula hadlay goobahaas, sheegayna in kormeerkoodan uu qayb ka yahay xaqiijinta barnaamijkii nabad ku afura.

Xaafadaha ay booqdeen ayaa waxaa ka mid ahaa: Baar Ubax, Cali Kamiin illaa suuqa xoolaha, iyadoo Guddoomiyaha gobolka Banaadir uu sheegay in ammaanka magaalada Muqdisho uu yahay mid wanaagsan, ciidamadan laga doonayo inay sii xoojiyaan ammaanka.

“Kormeerkan wuxuu qayb ka yahay sidii ay u qiimeyn lahaayeen qorshaha nabad ku afur oo uu madaxweynaha Soomaaliya dhawaan ku baaqay, waxaana shacabka ka dcodsanaynaa inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka,” ayuu yiri Goodax oo la hadlay warbaahinta.

???????????????????????????????Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha iyo duqa Muqdisho waxay sheegeen in ammaanku uu yahay mid wanaagsan, haddana saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa lagu dilay Muqdisho askar ka tirsan ciidamada dowladda, kuwaasoo mas’uuliyadda dilkooda ay sheegatay Al-shabaab.
Madaxweyne , Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Muqdisho kaga dhawaaqay in dowladdu ay meel-marisay barnaamij cusub oo ammaanka Muqdisho lagu adkeynayo, si aysan Al-shabaab u geysan inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Ha yeeshee Xarakada Al-shabaab ayaa dhankeeda sheegtay inay sii wadayaan beegsiga askarta dowladda iyo kuwa AMISOM ee Muqdisho ku sugan, ayna tallaabadan qayb ka tahay qorshe ay ku doonayaan inay dhabarka kaga jabiyaan dowladda federaalka Soomaaliya.

SomaliSwiss       Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: