Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo maanta ku burburtay Diyaarad Qaad u soo sidday magaalada Muqdisho.

Diyaarad burburtay.jpg3Diyaarad Qaad u soo siday Soomaaliya ayaa maanta barqadnimadii ku burburtay meel ku dhow garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta ee magaalada Niarobi, iyadoo ay ku dhinteen afar qof oo shaqaalihii diyaaradda ahaa.

Security personnel stand at the site of the wreckage of a cargo plane that crashed into a commercial building on outskirts of NairobiWararka ayaa sheegaya in diyaaraddu ay ku dhacday dhisme ku yaalla garoonka wax yar kaddib markii ay ka duushay garoonka, taasoo keentay inay burburto.
Shilkaasi diyaaradeed ayaa la xaqiijiyay iney ku geeriyoodeen Afar qofood oo dhamaantood ahaa shaqaalaha diyaaradda, iyadoo shilkani uu dhacay 10-kii aroornimo ee saaka.

“Diyaarad nooceedu ahaa Fokker 50 oo ay saarnaayeen afar shaqaale ah ayaa saaka ku burburtay dhisme ku dhow garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta,” sidaa waxaa lagu sheegay qoraal ay soo saareen maamulka garoonka caalamiga ah ee Nairobi.

Sida uu sheegay Sawir-qaade ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP oo goobta ku sugnaa in diyaaraddu ay ku dul dhacday dhisme ganacsi oo ka kooban dukaammo iyo bakhaarro, balse aysan jirin cid wax ku noqotay.

Sidoo kale, ilo wareedyo ka tirsan booliiska Kenya ayaa sheegay in dhammaan afartii qof ee saarnaa diyaaradda ay dhinteen. “Dhammaan afartii qof ee saarnaa diyaaradda way geeriyoodeen… diyaaradda waxaa qabsatay cillad xagga dabka ah, taasoo sabab u noqotay inay dhacdo,” ayaa lagu yiri warbixin booliisku soo saareen.
Dhismaha ay diyaaraddu ku dhacday ayaa ka kacay qiiq madow,. iyadoo agagaarka garoonka ay ku yaallaan warshado iyo dhismayaal la dagan yahay iyo dukaamo.

Diyaarad burburtayHay’adda bisha Case e Kenya ayaa sheegay inay heleen maydka hal qof oo ka mid ah shaqaalihii diyaaradda, ayna wadaan baaritaanno ay ku raadinayaan dadkii kale eek u dhintay shilkan diyaaradeed.

Mr. Eric Kiraithe oo ah Madaxa garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta ayaa u sheegay warbaahinta in muddo kooban la xiray garoonka markii uu shilku dhacay, balse ay dib u fureen, haddana uu garoonku si caadi ah u furan yahay.

Dhanka kale, Ciidamada booliiska iyo kuwa sirdoonka Kenya ayaa gaaray goobta ay diyaaraddu ku dhacday, iyagoo halkaas baaritaanno kawada, waxaana diyaaraddan ay ka mid ahayd diyaarado maalin walba Qaadka u soo qaadi jiray Soomaaliya.

Diyaaradaha Qaadka u qaada magaalada Muqdisho ee ee Caasamadda dalka Soomaaliya ayaa aad u soo kordhaya maalmihii la soo dhaafa, kaddib markii xukuumadda Britain ay si rasmi ah uga mamnuucday dalkeeda ka ganacsiga iyo cunista Qaadka.

SomaliSwiss         Nairobi
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: