Bannaanbax lagu soo afjarayay maalamaha xoriyadda oo magaalada Muqdisho lagu qabtay.

Bannaanbax 1da Luliyo.jpg1Ra’isal wasaaraha Somalia, Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa maanta Ubax dhigay xarumo taariikhi ah oo ku yaalla Muqdisho oo ay ka mid yihiin tallooyinkii loo dhisay halyeeyadii Soomaaliyeed, wuxuuna sidoo kale ka qayb-galay bannaanbax lagu weynaynayay munaasabadda 01-da Luuliyo.
Bannaanbax 1da Luliyo

Goobahan ayaa waxaa qaar ka mid ah dayactiro ku sameeyey maamulka gobolka Banaadir, waxaana RW salaan ka qaatay ciidamada bambeyda, wuxuuna Ubax dhigay taallooyinka Sayidka Maxamed, Xaawo Taako, Dhagax-tuur , SYL iyo Dal-jirka Dahsoon, kuwaasoo caalamad u ah gobonima-doonkii Soomaaliya.

Bannaanabaxa ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha ku wehliyay wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdullaahi Godex Bare, guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muun-gaab, xildhibaanno iyo dadweyne fara badan oo ruxayay calanka jamhuuriyada iyo sawirrada madaxda Qaranka ayaa socod lug ah uga soo baxay taallada Sayidka, waxaana ay ku tageen Dal-jirka Dahsoon oo lagu qabanayay bannaanaxa, iyadoo intii ay madaxdu socodka ku jireen ay salaan iyo hambalyo is-weydaarsanayeen dadweyne faro badan oo taagnaa hareeraha jidka hareeraheeda.

Abwaanno ay ka mid ahaayeen San-gub, Maxamed Axmed Qoomaal iyo fannaaniin kala duwan ayaa ka qaaday heeso wadani ah, sidoo kale waxaa lagu soo bandhigey goobta majaajillo, gabayo iyo Shirib si gaar ah uga tarjumayay maalmaha taariikhiga u ah Soomaalida meel ay joogtaba.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Muun-gaa oo ugu horreyn bannaanbaxa hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ujeedka dibadbaxa uu yahay soo dhaweynta maalmihii xoriyada.“ Ra’iisul Wasaare halkan waxaan kusoo gaba-gabeyneynaa toddobaadkii xorriyadda oo maalmahan ka socday Muqdisho, waxaan u mahad-celinayaa guddigii qaban-qaabada iyo dadweynaha ka kala yimid xaafadaha Muqdisho,” ayuu Muun-gaab ka yiri goobta.

Ra’iisul wasaaraha Somalia oo boqolaal dadweyne ah kula hadlayay taallada Dal-jirka Dahsoon ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay 01-da Luuliyo iyo halgankii loosoo maray xorriyada, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay inay qaataan mid la mid ah go’aankii dhallinyaradii SYL.

“Waxaa Alle mahaddii ah inaan maanta ku ciideyno xarruntii Dal-jirka Dahsoon oo muddadii bur-burrku socday aan lagu ciidin, maantana aad u jeeddaan bilicda iyo quruxda ka muuqata. Sidaa daraadeed waa inaan geed dheer iyo geed gaabanba u fuulnaa sidii aan u adkeyn lahayn midnimadeenna iyo wadajirkeenna, maanta cadowga naga hortaagan inaan xorriyadeenna ku naaloonno waa argagaxiso isticmaalaya Soomaali iyo shisheeye, haddaba waa inaan si wadajir ah ula dagaalannaa cadowga argagaxisada, waan hubaa haddii aan wadajirno inaan ka guulaysanayno,” ayuu yiri Cabdiwali Sheekh Axmed.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha oo ka hadlayay howl-gallada lagu sifaynayo nabad-diidka Al-shabaab oo dhibaato ku haya diinta Islaamka, dhaqanka Soomaaliyeed iyo inay bulshado ku tallaabsato horumarrada uu u baahan yahay.

“Magaalooyin badan ayaan ka saarnay nabad-diidka Al-shabaab, waxaa naga go’an inaan soo afjarno dhibaatada ay ku hayaan ummadda Soomaaliyeed. Waxaan idiin xaqiijinayaa in dalku uu ku socdo dariiqii saxda ahaa, lagana gudbi doono dhamaan caqabadaha yar -yar ee na haysta.

Ugu dambeyn, C/weli Sheekh ayaa sheegay in xukuumaddu ku howlan tahay sidii adeegyada bulshada loo gaarsiin lahaa dhammaan gobollada dalka, sidoo kalana goobaha ay ka taliyaan nabad-diidka uga xoreyn lahayn, si wadaniyiinta ku dhaqan goobahaas ay ugu dabaal-degaan haddii Eebe Idmo maalmaha xoriyada sannadka soo socda.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: