Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ansixiyey hindise Sharciyeedka Dhismaha Golaha Adeega Garsoorka

???????????????????????????????Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya aye maanta yeesheen ayaa waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaana goobjoog ka ahaa,kooramkana waxa uu ku furmay 161 Xildhibaan ayadoo ajandaha Fadhiga Baarlamaankana uu maanta ahaa u codeynta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka.

Furitaanka Fadhiga Baarlamaanka ee maanta waxaa Xildhibaannada ka hor akhriyey warbixin la xiriirtay wax ka bedel ay guddiga Garsoorka ee Baarlamaanka ku soo sameeyeen Hindise Sharciyeedka Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka Xoghayaha Guddigaasi Xildhibaan Maxamed Amiin oo isagu Xildhibaannada u sharaxay qodobada talooyinka iyo soo jeedinta Xildhibaannada wax looga bedelay ayaa sheegay in ay ay soo tifaftireen guddigooda.

Dhageysiga warbixintaasi ee Guddiga Garsoorka,Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Baarlamaanka waxaa Xildhibaannadu ay gudagaleen u codeynta Hindise Sharciyeedkan codeyn gacan taag aheyd oo si saf saf ah uu Gudoonku u qaadayey waxaa ku ogolaatay Hindise Sharciyeedka Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka79Xildhibaan,59Xildhibaanna waa ay diideen,halka ay 9Mudanena ka aamuseen sidaas ayuuna ku meel maray Hindise Sharciyeedkan sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo gebagebadii kulanka Baarlamaanka ee maanta ka hadlay ayaa xusay in maalinnimada berrito ah uusan jirin kulan Baarlamaan oo fasax ay tahay maadaama ay ku beegantahay 54guurradii ka soo wareegatay markii ay gobollada Koonfureed ee Dalkeenna ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga islamarkaana ay midoobeen gobollada Koonfur iyo Waqooyi,umadda Soomaaliyeed ayuuna maalintaasi ugu hambalyeeyey.

Hindise Sharciyeedkan Dhismaha Golaha Adeegga Garoorka ee ay maanta Baarlamaanku ansixiyeen ayaa waxaa Xildhibaannada la hor keenay bishii may ee sanadkii 2013 waxaana mudadaasi uu ku jiray gacanta Baarlamaanka uu maray Marxaladdo kala duwan,maalinnimada Arbacada ah ee 02bisha Jully waxaa Xildhibaannada Baarlamaanku ay gudageli doonaan ansixinta Xisaab xirka Miisaaniyad sanadeedka 2013.

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: