Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay Barnaamijka Nabad ku Afura.

Muungaab.jpg2Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo ka hadlay markii ugu horreysay baraamijka nabad ku afur ayaa sheegay inuu yahay mid la doonayo in bulshada iyo maamulku ay ku kala warqaataan.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Muun-gaab oo shalay kula afuray degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir qaar ka mid ah mas’uuliyiinta iyo waxgaradka degmadaas ayaa sheegay in qorshana uu yahay mid lagu doonayo in looga hortago Al-shabaab laguna kala warqaato.

“Barnaamijka nabad ku afur, waa baraamij looga gol-leeyahay sidii maamullada iyo bulshadu ay u kala war-qaadan lahaayeen, loogana gashaaman lahaa qorshayaasha Al-shabaab ay ku doonayso inay dhibaatooyinka ku abuuraan,” ayuu yiri Jen. Muun-gaab.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in maamulka gobolka iyo dowladda ay ka go’an tahay inay wax ka qabtaan ammaanka caasimadda, ayna ka hortagaan wax walba oo dhibaatooyin ah oo ay Al-shababa doonayso inay fuliyaan xilliyada lagu jiro cibaada iyo afurka bisha Ramadaan.

“Al-shabaab waxay doonaysaa in marka la afurayo iyo marka dadku cibaada u kala dareeraan inay ka faa’iideysato oo ay qaraxyo iyo dhibaatooyin sameeyaan, innagu taas ayaan kasoo horjeednaa, barnaamijkaanna waa mid arrintaas looga hor-jeedo,” ayuu yiri Muun-gaab.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sii hadlayay ayaa sheegay in waxgaradka iyo maamulka degmada Dharkeynley oo ay la afureen ay kala warqaateen uuna ku faraxsan yahay in barnaamijkan nabad ku afur ay ka billaabaan degmada Dharkeynley.

Dhanka kale, mid ka mid ah waxgaradkii afurkaas ka qaybgalay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in arrintan ay aad ugu faraxsan yihiin, kuwa laga doonayo inay dhibaatada ka hortagaanna ay iyaga yihiin, laakiinse maamulka looga baahan yahay inuu si dhow shacabka ula shaqeeyo.

“Anigu waxaan halkan soo dagay 1973-kii, wayna wanaagsan tahay in maamulka iyo waxgaradka oo aan filayo in dhabarka laga soo taabtay oo qaarkood ay maqan yihiin, waxaanse sheegayaa in nabadda iyo dhibaatadu ay tahay mid innaga uun nagu xiran oo haddii la iskaasho dhibaatada meel looga soo wadajeesan karo,” ayuu yiri odaygan oo aan magaciisa sheegin.

Ugu dambeyn, barnaamijkan ayaa waxaa ku dhawaaqay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud isagoo sheegay in qorshahan uu yahay mid looga hor-tagayo qaraxyo iyo falal ammaan-darro oo ay Al-shabaab ka fuliso Muqdisho inta lagu jiro bisha Ramadaan.

SomaliSwiss         Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: