Dowladda Imaaraadka oo dalkeeda ka bilowday ururinta lacag lagu tabarucayo shan Million qof oo dunida daafaheed ku kula nool………

Bisha Cas ImaaraadkaWar ay baahiyeen Warbaahinta dalka Imaaraadka ayaa sheegaya in Xukuumadda Imaaraadka ay bilowday ururinta lacag lagu tabarucayo shan Million oo ruux oo dunida daafaheed ku kula nool,si looga kaalmeeyo cabidda biyo nadiif ah inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadan.

Waxaa Shirkadaha gaar loo leeyahay ee Imaaraadka iyo shacabka laga aruuriyay lacag gaaaysa 33.5 million dirham oo u dhiganta $9.1 million sida ay xaqiijisay warbaahinta gudaha ee dalkaas laga leeyahay maanta oo isniin ah.

Sida lagu soo warramay howsha uruurinta lacagtan ayaa lagu wadaa in la soo gaba-gabayn doonaa 17-ka bisha Jully ,iyada oo munaasabaddan lagu soo beegay xilliga ugu badan ee muslimiinta adduunka ay wax sadaqaystaan ,waxaana mar horeba sii bilowday dar-dar galinta deeqdan.

Warku wuxuu intaa uu ku darayaa in ka badan 10 wadan oo ka mid ah Afghanistan, Pakistan , India, Niger, Somalia, Ghana, Sudan, Indonesia, Togo iyo Ciraaq ayaa laga bilaabay qodidda ceelal biyood loogu tala galay inay isticmaalaan dadka aan heli karin biyo caafimaad qaba.

Sidoo kale hirgelinta howshan ayaa loo xilsaaray Hay’adda bisha Cas ee UAE si ay u fududeyso gaarsiinta deeqdan dadka u baahan ,waxaana ay codsiyo kala duwan u diren shacabka dalkaas, iyadoo ay gar-gaar dag deg ah u baahan-yihiin kumanaan ruux oo ku nool Qaaradda Aasiya.

Si kastaba Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa intii u dhaxaysay sannadihiii 2009 illaa 2013-ka ku deeqday lacag gaaraysa 1.014 billion oo dirham,taasi oo wax looga qabtay 61-wadan adduunka ah sida lagu shaaciyay qiimayn arintan laga sameeyay.

SomaliSwiss      Dubai
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: