Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo sheegay in Dowladda Kenya ay ka caawinayaan la dagaalanka Argagaxisada.

South Korea UN ChiefXoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay ka caawiyaan Kenya iyo dalalka kale ee Afrika dagaalka lagula jiro argagaxisada oo weerarro taxane ah oo khasaare badan geystay ku qaaday Kenya.

Mr. Ban Ki-Moon ayaa hadalkan sheegay kaddib kulan uu xarunta madaxtooyada Kenya kula qaatay madaxweynaha dalkaas, Uhuru Kenyatta, iyagoo kawada hadlay sidii ay Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya uga wada shaqeyn karaan ka hortagga weerrrada ka imaanaya argagaxisada.

Sidoo kale, xoghayuhu wuxuu sheegay inay isaga iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta kulankooda kaga wada-hadleen arrimaha siyaasadda iyo ammaanka, gaar ahaan sidii looga wada-hortegi lahaa argagaxisada oo khatar ku ah gobolka oo dhan.

Sida la wada ogsoon yahay dalka Kenya ayaa tan iyo markii ay ciidamadeeda u dirtay Somalia dhammaadkii sannadkii 2011-kii waxaa ka dhacayay weerarro taxane ah oo ay geysanayeen xoogag taageersan Al-shabaab, kuwaas oo ay ku dhinteen dad fara badan.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa weerarradii ka dhacay Mpeketoni ku eedeeyay inay ka dambeeyeen shabakado siyaasadeed oo ku sugan Kenya, inkastoo uusan carabka ku dhufan cid gaar ah, isagoo iska diiday in weerarkaas uu ahaa mid ay Al-shabaab ka dambeysay.

Ban Ki-Moon iyo Kenyatta ayaa kulankooda kusoo qaaday xaladaha dalalka Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo muranka u dhexeeya dalalka Rwanda iyo Congo kaasoo ku saabsan harooyinka waaweyn.

SomaliSwiss             Nairobi
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: