Dowladda Mareykanka iyo AMISOM oo digniin ku soo saare in weeraro ay ka dhaca magaalada Muqdisho inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Muqdisho1.jpg1Warbixin qoraal ah oo ay soo kala saareen Mareykanka iyo AMISOM ayaa waxaa looga digay Dowladda Soomaaliya in weerarro argagaxiso ah ay magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Weerarkaas oo ay geysan doonto Xarakada Al-shabaab, waxaa kaloo shacabka Soomaaliyeed loogu baaqay inay feejignaan dheeri ah muujintaan inta lagu jiro Ramadaanka.

Sidoo kale Warbixinta qoraalkan ayaa waxaa hambalyo loogu dirayaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta, tasaoo ku aaddan bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan oo lagu wado inay berri billlaabto.

Mareykanka iyo AMISOM ayaa ku dhiirri-galiyey shacabka muslimiinta ah gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed inay faai’daysataan wajibaadka bisha Ramadaan; iyagoo ka fogaanaya wax kasta oo diinta Islaamku ay mamnuucday iyo waxyaabaha qal-qal-gelin kara ammaanka Soomaaliya.

Dingiintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo Al-shabaab ay sheegeen inay sare u qaadayaan weerarrada ay ku hayaan dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee dalka ku sugan, iyagoo shacabka uga digay inay u dhawaadaan meel walba oo ay degen yihiin dowladda iyo AMISOM.

Dhanka kale Booliiska Soomaaliya ayaa maalmo ka hor sheegay inay ka hortagayaan weerarro walba oo kaga yimaada dhinaca Al-shabaab, iyadoo afhayeenka booliiska uu ku sheegay war uu saxaafadda siiyay inay ciidammo badan oo amniga suga la keenay Muqdisho.

Waxaa kaloo jira warar ay shacabku isla dhexmarayaan oo ah inay 30-ka maalmood ee Ramadaanka ay dhici karaan qaraxyo waaweyn oo dhibaatooyin ay kasoo gaarto shacabka Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa labaduba waxay mid ka yihiin in maalinta Axad ah ay wada billaabaya Soomidda bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoo ugu baaqay muslimiinta ah inay u diyaar garoobaan gudashada Ramadaanka.

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: