Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Saxiixday Heshiiska Ciidamada Heeganka ee Wadamada Bariga Africa.

R. Saxiix HeshiisMadaxda dalalka Bariga Africa ayaa magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea maanta ku gaaray heshiis dhigaya in si rasmi ah loo howlgaliyo ciidamada heeganka ee ay yeelanayaan dalalka ku bohoobay Bariga Afrika ee lagu soo gaabiyo (EASF), waxaa Soomaaliya heshiiskaasi u saxiixay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

Madaxda Midowga Afrika ayaa soo dhoweeyay, taagerayna abuuritaanka ciidankaasi oo noqon doona kuwo qalabaysan oo ay yeeshaan dalalka Bariga Afrika si ay faragalin ugu sameeyaan goobaha ay colaadaha kasoo ifbaxaan.

Heshiiskan ayaa yimid kadib kulan ay yeesheen wasiiradda gaashaandhiga ee dalalka Bariga Afrika ka hor inta aanay madaxdu saxiixin heshiiskan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo arrintaas ka hadlay wuxuu8 yiri: “Waan soo dhoweynaynaa in Soomaaliya ay qayb ka tahay heshiiska isla markaana ay ka qayb qaadato howlgalka ciidamadan gaarka ah ee dalalka Bariga Africa, Soomaaliya waxaa ay ka soo kabanaysaa bur-burkii gaaray. Waxaana heshiisyada noocan ah ay calaamad u yihiin in ay soo noqonayso karaamadii Soomaaliyeed.”

Ujeedada laga leeyahay ciidamadan ayaa ah sidii ay ugu gurman lahaayeen walaalhooda kale ee qaaradda, shaqadooduna waxaa ay tahay in ay u faragalin ku sameeyaan meelaha loo arko in ay u gurmadaan.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Maxamed Sh. Xasan Xaamud ayaa isaguna arrintaas ka yiri: “Ciidamadan ayaa howshoodu ay tahay wax ka qabshada xaaladaha amni xummo ee ka soo cusboonada qaaradda xilli ay Golaha Nabadda iyo Amniga ee midowga Africa ay u dabaal dagayaan sanad guuradii 10-aad ee kazoo wareegtay markii golahaasi la aas aasay.”

SomaliSwiss           Malabo
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: